General Discussions > Feel Free Here
Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
Dr. Acromion:
Akhyaarta dhamaantiin waad salaman tihiin.
Waxaan rajaynayaa doodaan in ay wax kabadasho xaalada ba?an ee kajira waaxyahaya caafimaadka dalkeena, iyadoo ay noosii dheertahay dagaalo iyo gaajo aan joogsi laheen. Ilaahoow nabad iyo Caafimaad???..Aaamiin!
Sheekada Vivien Thomas oo ahaa ??takhtar?? madoow ah , waliba wakhti midab takoor xun uu kajiray Mareekanka iyo guud ahaan aduunka, siyaabo badan ayeey uga duwan tahay tan dalkeena haysata maanta. Mida koowaad Vivien Thomas wuu lahaa aqoonta aas aasiga ah , wuxuuna dhameeyey dugsi sare oo wuxuu lahaa dream ah in uu noqdo takhtar, run ahaantii natiijooyinkiisa skuulka aad bay u sareeyeen , arimo dhaqaalo laxiriira darteed ayuu ku habsaamay, xirfadlayaasha jooga soomaaliya oo qabta shaqooyin kala duwan sida qaliinka, dawaada, indhaha, sheeybaarka ??.iwm, intooda badan waa dad aan aqoon aas aasi aan laheen , in badan oo aan soo arkay waxay kayimaadeen miyiga oo xeer caafimaad iyo aduunyaba lama socdaan, xataa hadii layiraahdo wax barata, meel ay kabilaabi karaan lama yaqaan. Tan labaad , Vivien Thomas wuxuu ku soo aaday mar dadka madoow layaso oo aan laga aqoon xarumaha caafimaadka????.laakiin Xirfadlayaasheena way ku xidideesteen systemka oo iyagaa maamula Isbitaalada , qabiilna dabada ayuu ku wataa oo markii horeba hab qabiil buu meesha kuyimid ,sidaa darteed wey adag tahay in lagu soo qaado shahaadooyin, cilmi kororsi, tani waa qalad, halkee wax ku soo baratay ? saanaa sax ah???iwm ???..lafahaagaaba khatar u galeesaa hadii wax yaabahaas lagaa maqlo.
Hadaba hadiin aan u laabto qodobadii dooda oo ahaa;
1- Sidee ayaa looga faaideysan karaa looguna faaideyn karaa qof xirfad caafimaad leh, aqoon dugsiyeedne aan soo marin?
Waxeey ila tahay in loo bilaabo, loona horkaco in aqoon kororsigu uu wangaasan yahay, Isbitaaladana laga sameeyo programmeyo loogu faa iideenaayo , laguna qalqaaliyo in ay ku biiraan jaamacadaha iyo machadyada caafimaadka ee wadanka kuyaala. Waqtiga dheer ee waxbarashada oo loo soo yara gaabiyo, maadaama ay practicalka ka dhisan yihiin.
Aad bay u adag tahay in wax laga faaiideesto, way ku adag tahay in ay isticmaalaan kalimadaha technikaalka ah , ama si hufan in ay u sharaxaan.
2- Baahida loo qabo dadkaa noocaan ahi ilaa intee ayay gaarsiisantahay?
Runtii mayara baahida loo qabo dadkaan , meelaha qaarkood soomaaliya qof wax dura xataa lagama helo??????.. amar Ilaaheey, xooga ay saaraan tirtirista, furfurista iyo isticmaalka qoryaha hadii ay barashada caafimaadk galin lahaayeen, gidigood medical personnel beey noqon lahaayeen ugu yaraan.
3- Maxaa talo aad siin laheed farsamayaaqannadaan caafimaad?
Waxaan kula talin lahaa in ay bilaabaan barashada daraasaadka caafimaadka markii ay firaaqa leeyihiin, ama hadii ay fursad heli karaan ay si toos ah u galaan machad caafimaad.
Mahadsanid.
OakPlus:
AOA,
i COULD NOT UNDERSTAND THE LANGUAGE, PLEASE GUIDE ME
REGARDS
Waxbaro!:
Mr OakPlus, this is a debate about "The role of non-qualified, skilled medical staff in Somalia".
Since the topic is a local issue I preferred to present it in Somali language.
Thanks for passing by...
Somali Boy:
sc ugu horeyn waan salaamayaa dhamaan somalidoc si kooban qofka xirfada caafimaad leh waa in aan ku dhiira gelinaa complete education isla markaana aad siisaa motivation si uu u noqdo takaamul cilmi iyo xirfad hana u muujin in uu yahay nin aan wax baran reality encouragement is the best one
CilmiSabca:
Asc dhamaantiin? Salaan ka dib. Aniga waxay ila tahay maadaama waqtigaan xaadirka ah aysan jirin nabad galyo ay ku shaqeyn karaan dhaqaatiirta aqoonta dhaqtarnimo haysata isla markaana shilalka ay la kulmi karaan ay figta sare marayaan, haddana kuwa xirfadda leh ee aan aqoon caafimaad laheyni ay halis galin karaan dhaqtarada runta ah, yacni dalka kama jirto maxaad taqaan waxayna xaaladu u badan tahay yaad tahay! Marka ayadoo ay saas tahay laguma dhaco in arrimaha la xidhiidha dhaqtarada xirfadlayaasha (dhaqtar booc boocyada) lagu soo hadal qaado talo la siiyo ama tusaale loo taa taabto, sidaas darteed waxay ku haboon tahay in dhowr qodob la isla eego bal in ay suurta gal noqon karaan, waxay qodobaan ila yihiin;- b) in la sugo ilaa uu ammaanku dhag dhag noqdo si ay kala dambeyntu u keento in dhaqtar walba uu booskiisa galo. t) in la helo waxbarasho caafimaad oo heerar kasta leh oo bilaash ah isla markaana dhaqtarada xirfadlayaasha ah lagu dhiiri galiyo ayaa part time ah ama hadba baahidu halkay isla tagi karto. j) in la sameeyo buugaag caafimaad oo xiiso iyo soo jiidasho leh oo dhaqtarada xirfadlayaasha ah lagu tacliimin karo e.g medical training, diseases, drugs and dosages iyo yellow pages and dictionary oo hal hal buug isku ah, isla markaana free ah oo cisbitaalada loogu geeyo iyagoo ku tarjuman af soomaali sida buugga halkaan dhaqtar joogi ama where there is no doctor. x) iyo ugu dambeyn in la siiyo borograamyo qoran oo mobilada ay kala socon karaan sida mobile health. Haddaba inkastoo waxaan oo hawl ah aysan jirin cid u qabaneysa xirfadlayaasha caafimaadka waxaan soo jeedin lahaa in somali doctors ay arrintaan iyagu isku xil saaraan maadaama ay iyagu yihiin kuwa dalka iyo dadkuba ay baahida daran u qabaan. Waxana dooda ku soo af jarayaa inta ay dhibaatada iyo colaaduhu oogan yihiin nina talo aan hoo aheyn kaa yeeli maayee hala sugo tan iyo waqtiga ay dadku kala baranayaan sax iyo qalad, waayo haddaad imminka tagto dalka oo aad waxa jira iyo sida la rabo soo bandhigto dee waxa la odhanayaa "mashruuc cusub buu ninkan wataa!" waana lagu fashilinayaa haddaan naftaada khatar la galin. Guud ahaan xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka ka hawl gala waa caqabada koowaad ee dhaqaatiirta taqasusiga ah hortaagan waana qabqablayaal qarsoon oo aan haye iyo hee toona aqoon!. Asc wrt wbt. Thank you. haboon tahay in dhowr qodob la isla eego bal in ay suurta gal noqon karaan, waxay qodobaan ila yihiin;- b) in la sugo ilaa uu ammaanku dhag dhag noqdo si ay kala dambeyntu u keento in dhaqtar walba uu booskiisa galo. t) in la helo waxbarasho caafimaad oo heerar kasta leh oo bilaash ah isla markaana dhaqtarada xirfadlayaasha ah lagu dhiiri galiyo ayaa part time ah ama hadba baahidu halkay isla tagi karto. j) in la sameeyo buugaag caafimaad oo xiiso iyo soo jiidasho leh oo dhaqtarada xirfadlayaasha ah lagu tacliimin karo e.g medical training, diseases, drugs and dosages iyo yellow pages and dictionary oo hal hal buug isku ah, isla markaana free ah oo cisbitaalada loogu geeyo iyagoo ku tarjuman af soomaali sida buugga halkaan dhaqtar joogi ama where there is no doctor. x) iyo ugu dambeyn in la siiyo borograamyo qoran oo mobilada ay kala socon karaan sida mobile health. Haddaba inkastoo waxaan oo hawl ah aysan jirin cid u qabaneysa xirfadlayaasha caafimaadka waxaan soo jeedin lahaa in somali doctors ay arrintaan iyagu isku xil saaraan maadaama ay iyagu yihiin kuwa dalka iyo dadkuba ay baahida daran u qabaan. Waxana dooda ku soo af jarayaa inta ay dhibaatada iyo colaaduhu oogan yihiin nina talo aan hoo aheyn kaa yeeli maayee hala sugo tan iyo waqtiga ay dadku kala baranayaan sax iyo qalad, waayo haddaad imminka tagto dalka oo aad waxa jira iyo sida la rabo soo bandhigto dee waxa la odhanayaa "mashruuc cusub buu ninkan wataa!" waana lagu fashilinayaa haddaan naftaada khatar la galin. Guud ahaan xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka ka hawl gala waa caqabada koowaad ee dhaqaatiirta taqasusiga ah hortaagan waana qabqablayaal qarsoon oo aan haye iyo hee toona aqoon!. Asc wrt wbt. Thank you.
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version