Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Suaal walal ku saabsan xaniinyaha?

(1/2) > >>

Afrax:
Asc walalaha mudan sharafta. geesiyaha u istaagay daryeelka dadkooda. Walalayal waxan mudu kacabanaayay xanuun iga soo bilawday mindhicirka iyo xaniinta mudo hada laga joogo 5sano  waxaa dictoore xanuunka iiga badanyahay xaniinta bidix taasi oo ibarartay waxana  kujira waxaad moodo murqo waa weyn kuwasi oo xanuun igu haaya marka aan socdo .mida kale dhaqtar waan u tagay  dhowr jeer daawoyinki uu íi soo qoray waxba ilaa hada isagama garan marka walalayaal waxan jeclaan lahaa inaad iiga soo jawaabtan su aasheyda .mahadsanidiin

SomaliDoc:
Xanuunka xaniinyaha ama qooraha waxaa keeni kara dhowr xaaladood oo ay ka mid yihiin:
1- infakshan ku dhaca qooraha, qanjirka prostate iyo xarigga epididyms.
2- Dhaawac jug hore
3- Bararidda xididda qooraha (Varicocele) - waxaad dareemeysaa in burtuq-burtuqyo ay qooraha darbigiisa ku sameysmeen.
4- Sheelada (Hydrocele) - waxaad daremeysaa barar sidii in ay biyo ku jiraan oo kale.
5- Marjiska xaniinyaha (Testicular torsion) - wuxuu yeelan kara barar oo wata xanuun saaid ah.
6- Eernada qooraha - waa barar xanuun mar mar wata laakiin yaraan kara ama noqon kara markaad jiifatid.

Waxaan u baahannahay faahfaahin dheeraad oo ku saabsan xanuunkaada si loo kala sooco waxyaabaha keeni kara.
Waxay u egtahay calaamdaha aad sheegeyso in eerno ama barar xidida qoorah ay yihiin waxa aad ka cabanayso laakiin waxaad ka jawaabtaa su'aalahaan soo socda:

Bararka marmar ma yaraadaa ama baaba'aa?
Markaa qofacdid ama wax culus aad qaadid bararka ma kordhaa?
Haddii aad jiifsatid bararka ma baaba'aa?
Bararka ma wax ka soocan xaniinta oo aad qaban karto?
Xanuunka aad daremeyso goormuu bilawday mise bararka ayuu la socday?
Bararka ma sii kordhayaa mise waa sidii 5 sano ka hor uu ku bilawday?

Mahadsanid

Afrax:
Asc walaalayal waa ku mahadsantahiin faahfaahinta mida kale su aalihii jawabtooda waa kuwaan.
(1) su aashii aheyd  bararka mar mar ma baa ba aa markaad qufacdid ama wax culus aad qaadid bararka ma kordhaa?   Haa wuu weynaadaa.
(2) hadii aad jiifatid bararka ma baa ba aa? Haa waa yaraadaa.
(3) bararka  ma wax ka soo canaa xaniinta oo aad tabankarto ? Waa wax ka soocan
(4) xanunka aad dareymeyso guurmuu bilawday mase bararka ayuu lasocday.  Xanuunka ayaa horeeyay oo ka bilawday mindhicirka .
(5) bararka masii kordhayaa mase waa sidii uu shansano kahor uu ku bilawday ? Waa sii kordhayaa inkastoy labadii sano oo ugu danbeysay   ay aad ii xanuuneysay. Mahadsanid 

SomaliDoc:
Cudurkani waa eerno daawadiisuna waa qalliin kaliya, kaniini laguu qoray waxba kama tarayo ee la xiriir takhtar cilmiga qalliinka aqoon u leh.
Qoraal ku saabsan cudurka eernada qooraha halkaan ka dajiso: EERNADA QOORAHA

Afrax:
Asc walalayal waxan idinkaga mahadcelinayaa qaabka aad su aasha iiga soo jawabten gar ahaan dr mahdi mida kale dictore waan qadanayaa taladaada ah inan laxariiro dhaqtar ku taqasusay qaliin mahadsanid dictoore.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version