Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Waa maxay calamadaha caabuqyada (infectionada) jirka ku dhaca?
(1/1)
Tuuraq:
Asc walal aad ayaad ugu mahadsantahay sida hagar la aanta ah ee aad isugu howleysid inad bulshadaada wax ugu qabato.walal waxan jeclaan lahaa inaan ogaado caabuqa jirka ku dhaco calaamadihiisa hadii uu dawo leeyahay . Mahadsanid
SomaliDoc:
Caabuqa ama infekshanka wuxuuna jirka kaga dhici karaa meel kasta, calamadaha ama astaamaha lagu gartane waxay la xiriirtaa xubinta uu saameeyay, haddii caabuq sanbab kugu dhaco waxaad yeelanaysaa: qufac, qandho iyo neefta oo ku dhibta. Hadduu caabuq caloosha ama mindhicirrada kaaga dhaco waxaad yeelanaysaa: Calool xanuun, shuban iyo matag.
Inkastoo la yiraahdo xumadda waxay astaan u tahay caabuq laakiin ma jirto calaamado u gooni ah caabuqa.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version