Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Suáal: Maxaa sababa cudurka macaanka?

(1/1)

Gantaal:
A.c.w.w salaan ka dib waxaan dhakhaatiir way diin hayaa cudurka macaanka ma waxaa laga qaadaa wax yaabaha macmacaan sida sonkota oo labad sado mise waa xanuun sikale ku yimaada  waad mahad santihiin

Dr.Tulip:


Maxaa Keena Sonkorowga?

Qofna ma yaqaan waxa keena sonkorowga oo saxa ah. Waxaanu ognahay in sonkorowga uusan ahayn cudur fudud. Waxaa jira sababo badan oo keena. Cilmi baarista waxaa lagu helay dhowr sababood oo qofka gelin kara khatar weyn si u qaado sonkorowga. Khatarahaas waxaa ka mid ah:

•Kolostrooka HDL oo le'eg ama ka yar 40 iyo/ama heerka triglyceride oo ka weyn 20 mg/dl
•Dhiig kar le'eg ama ka koreeya 140/90
•Taariikh qoys ee sonkorow (Dhaxal)
•Walaac iyo walwal (cudur, dhaawac)
•Fayrus (nooca I sonkorowga)
•Daawooyinka qaarkood (steroids)
•Dhibaato sistamkaaga difaaca (nooca I sonkorowga)
•Cimri (40 sano iyo ka kor)
•Aad u cayilan iyo/ama fadhiya   
•Qabitaan sonkorow inta Uurka leedahay ama dhalid cunug ka culus 90lbs.
•Midabka (sonkorowgu wuxu ku badanyahay Madowga, Isbaanishka, iyo Maraykan dhaladka ah)
 
walaal Gantaal waxii kale oo fahfahin ah oo kusabsan cudurka Sonkorta / kaadi macanka waxad ka heleysaa  Line kigan
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1145.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version