Author Topic: Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?  (Read 47770 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdikani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
asalamu calaykum waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo waxan aqrinayo oo isku dar darsamaan hadii aan fiirsho qof isoo hor istaagay camal waan arki karaa qof inuu yahay lakin si clear ah uma arki karo wajigiisa 10 seconds hadaan indhaha isku qabto hadana aan furo caadi ayaan u arki karaa  dhaqtar ayan boqday 2sano ka hor wuxu igu dhahay aragaagu wuu wanaagsanyahay mid kale ayan u tagay oo okiyalaha cabira wuxu isiiyay ookiyaalo aragiisu aad u sareeyo. Da'daydu waa 16jir. Maxey kula tahay, maxad talo isiin lahayd.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?
« Reply #1 on: March 04, 2011, 10:33:03 PM »


Indho-daalka "Eye Strain" waa dhibaato caan ah oo u badan ardayda wax akhriska badan ama dadka aad u isticmaala kombuyuutarrada ama fiirsashada tv-yada.

Haddii murqaha indhaha muddo dheer hal meel ay xoogga saaraan waxay keenaysaa in indhaha ay daalaan taasoo murqaha kale ee u xilsaaran aragga fog ay shaqada gabaan muddo daqiiqado ah oo qofku u baahanyahay in indhaha uu isku qabto si murqihii ay u hawl bilaabaan.

Waxaa dadka nocoaan ah lagula taliyaa xilliga ay wax akhrisanayaan in indhaha ay xoogaa markii ay joogaanba ay buugga meelo ka fog ay fiiriyaan ama indhaha isku qabtaan si ay daalka indhaha ay u yaraadaan.

Haddii isha lagu sii wado daalka noocaan ah waxay saameyn ku yeelanaysaa aragga qofka oo inuu daciifo ay keensanayso, waxay tani la mid tahay ilmaha yaryar oo tv-yada looga daaro filimada ama kartoonnada ay jecelyihiin taasoo in muddo ah aysan indhaha aysan ka leexineen ama aysan isku dabooleyn taasoo keenaysa in indhaha ay ilimeeyaan ama bararaan.

Indho-daalka wuxuu kaloo keenaa madax xanuun iyo in qofka wax fiirinta dhib ku noqoto sida wax akhriska.

Talo:
Ha isku dhawayn buuga aad wax ka akhrinaysid.
Hoosta haka galin Tv-ga iyo Computerka.
30 daqiiqo markaa wax akhrisid, 5 daqiiqo naso oo socsoco.
Haddii aad wax fiirsanaysid ama wax akhrinaysid indhaha ha ku taagin ee indho-qabsi samee markaa xoogaa joogtid.
Hadduu computer-ka iftiinka ku badan yahay, iskaga xir muraayadda iftiinka yarayso.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdikani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?
« Reply #2 on: March 05, 2011, 02:48:27 PM »
mahadsanid ilaahey ajar hakaa siiyo, maxaad igula talin lahayd inaan sameeyo si aan ugu kabsado

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?
« Reply #3 on: March 07, 2011, 05:28:58 PM »
Talada horay ayaan kuugu sheegay waana in aad indhaha daalka aad ka daysid oo mal meel aadan muddo dheer aadan fiirin oo indhahaaga aad siisid muddo ilbiriqsiyo ah oo ay nastaan.
Cun cunno isku dheellitiran lagana helo fitamiinka A sida korootada.
Iska jooji caadooyinka aragga daciifiyo ee dhalinyarada ku badan sida ku dhafridda tv-ga, siigada iyo sigaar cabidda.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25723
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26399
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24725
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9843
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan ahay nin dhalin yara ah Oo Ka Ganacsada iibinta Gaaska?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5949
Last post March 18, 2016, 12:05:20 PM
by SomaliDoc