Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Daawo siinta uurleyda?

(1/1)

Nuur12:
salaan sare dhamaan bahda webkan gaar ahaan dhaqaatiirta  waxaa iga jaahil saartaan dumarku markay uurkaleeyihiin  ma intuu yaryahay buu qaadankaraa daawada mise markuu wayn yahay mise time baa u xadidan maxaase  uu qaadankaraa 3bilood dawooyinka sharoobooshinka iyo kuwa inj maxaa la siinkaraa infactionka faraha badan ilaa heer aanay kaadida xejinkarin tabcaan farabadan oo dumarka qaar yeeshaan

SomaliDoc:
Xilliga uurka waxaa caafimaad ahaan loo qabiyaa sadax marxaladood oo midiiba ay sadax bil ay tahay.
Daawooyinka la qaato waxay saameyntoodu ku xirantahay xilliga ay haweentu uurkeedu marayo.
waxaa jira daawooyin sadaxda bil ee uurka hore aan hooyadu la siin karin waxaa kaloo jiro daawooyin kale oo aysan hooyadu qaadan karin bilaha dhexe ama bilaha dambaba.

Haddii daawo loo soo qoray hooyo uur leh waa in ay takhtarka weydiisaa dhibka daawada ay u keeni karto.

Nuur12:
waxaad iigu celisaa dr re sadexda marxaladood ee uurleyda iyo kuwa dhibka keena daawooyinka mase keeni karaan amoxycilline ampicilline iwmcephlexine  buscopan spasmo tal tabs amicof  sy  tussilar iyo sy anti cough ah maxay side effective leeyihiin good by to dr

SomaliDoc:
Sadexa marxaladood midiiba waa sadax bilood, waxaa badanaa daawooyinka ay dhibaato keensadaan 3-da bil ee ugu horreysa inkastoo ay jiraan daawooyin aan la siin karin hooyada 9-ka bilood ay uurka leedahay.
Waxaa kaloo jiri kara daawooyin dhibaatooyin sameeya xilli gaar ah sida 3-da bil oo dambe tusaale ahaan.

Daawooyinka aad na waydiisay kala xiriir takhtarka kuu qoray si dhibaatada iyo waxyeellada ay leeyihiin kuugu sheego.

Ha u takhtarayn xaaskaaga haddii aadan aqoon u lahayn cilmiga daawooyinka.

Pharmacist:
Waxaan filayaa in qoraalkaan aan qoray 2008-dii in aad ka faaideysan doontid

Isticmaalidda Daawada Xilliga Uurka

Navigation

[0] Message Index

Go to full version