Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

SU'AAL: XUBINTA TARANKA RAGGA OO AAN SI WANAAGSAN UKACEEYN?

(1/2) > >>

GEEDOOW:
 HIMADA AMA RABITAANKA GALMADA WEEYJOOGTAA LAAKIIN XILIGA ISTAATAABASHADA AMA HORUDHACA GALMADA XUBINTA RAGGA TABAR BADAN MALEH AMA WAA JILEEC ,MAXAA BAARITAAN AH OO LOOBAAHAN YAHAY ? , XAGEESE LAGA BILAABAYAA BAARITAANKA SI LOO OGAADO WAXA KEENAY TABAR DARIDA AMA XUBINTA OO AAN SI FIICAN U ADKAAN ? MANA JIRAAN WAX CUDUR AH OO UU ISKU OGYAHAY QOFKA .

SomaliDoc:
Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo himada iyo hawlgabka kacsiga.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html

GEEDOOW:
 WAXAAN AKHRIYEY MOWDUUC KU SAABSAN HOWGABKA KACSIGA, WAXAAN FAHMI WAAYEY EREYADAAN,  MAADADA KOOXDA PDE 5- JOOJISA , WAXAAD KU SHEEGTEEN INEEY TAHAY DAAWADA UGU FIICAN EE LAGU DAAWEEYO CUDURKA HOWLGABKA KACSIGA , WAXAAN RABAA IN SI FIICAN LA IIGU FAAHFAAHIYO MAADADA KOOXDA PDE 5 JOOJISA .

SomaliDoc:
Phosphodiesterase type 5 loona soo gaabiyo PDE 5 waa caawiye falgal dadajiye "Enzyme" laga helo xubinta ragga.
Daawada loo yaqaanno "Sildenafil" kuna caan ah magaca "Viagra" ayaa waxay shaqo joojin ku sameysaa maadadaan si kacsanaanta ay u sii jirto, waana daawada ugu caansan oo loo isticmaalo kacsi la'aanta.

GEEDOOW:
QORAALKAAN WAAN AKHRIYEY LAAKIIN SIFIICAN UMA FAHMIN WAXBAA ISKA KEEY DHEXGALAY , DAMIIN FARWAAWEYN AYAA WAX LOOGU DHIGAA, WAXAAN CODSANAYAA IN SI FAAHFAAHSAN LA IIGU SHARAXO QORAALKAAN MADMADOOWGA IIGA JIRO.
PDE 5 , KINIINI LACUNAA OO DAAWO AH MIYAA ? VIAGARAHA MIYAA SHAQO JOOJIYE AH ? SHAQO JOOJIYE MAXAA LAGA WADAA ? DAAWADA UGU CAANSAN OO LOO ISTICMAALO KACSI LA AANTA WAA TEE ? MA VAIGARAHAA MISE PDE 5 ?
 
  
 
 

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version