Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Semen Leakage (Shahwo daadashada)?

(1/1)

Hassan Bile:
Waxaan rabaa inaan ogaado waxa keena Semen leakage, maxaa lagu daaweyn karaa,
 

SomaliDoc:
"Semen Leakage" oo ah macnaheedu shahwada oo dareerto iyadoo aysan jirin kacsi buuxa ayaa waxay ka dhalataa in dabacsanaan ama shaqo yari ku timaada neerfaha lagu magacaabo "Parasympathetic".
Neerfahaan ayaa u xilsaaran in haniyaha biyo-baxa uu xiro inta kacsiga uu jiro si aysan shahwadu u soo dareerin laakin haddii neerfaha uu sidii laga rabay u shaqaynayn waxaa dabcaya haniyahii taasoo keeneysa in biyuhu soo baxaan.

Waxay cilladaani ka timaadaa siigeysiga badan ama dhawac gaara neerfahaan.

Waxaa ka mid dhibaatooyinka ay keensato cilladaan kacsi la'aan, biyo-bax degdeg ah, dhabar xanuun iyo qooro xanuun.

Tani waxaa lagu xallin karaa in la joojiyo siigeysiga, kala fogeysid galmadaada iyo in aad cuntid cunno u badan proteins.

Wixii intaa ka badan la xiriir takhtarkaaga.

Hassan Bile:
waad mahadsantahay, aad ayaan ugu qancay jawaabtaada,

waxaan u baahanahay daqtar noocee ah ayaan u tagaa, ma dhaqtar Urologist or Neurologist, or Internist 

SomaliDoc:
La xariir takhtar Urologist ah.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version