Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
SU'AAL: DILANKA ILMAHA MAXAA SABABA?
(1/1)
Carmaale:
Waxaan guursaday gabar, waxaana ay yeelatay uur lkn waxaa ka dilmay ilmihii oo waxay isku aragtay dhiig.
Marka waxaan aadnay dhakhtar Genecology ah waxaana loo soo qoray daawooyin sida: Vasosuprina,Novidaxine and Sanostol Syrup lkn ilaa weli waa uu socdaa around hal usbuuc.
Maxay tahay tallaabada xigta ee aan qaadi karnaa,ma waxaan sugnaa intuu ka istaagayo mise waxaa jirta doc kaloo looga wareego sida cirbado dhiigga joogiya oo loo isticmaali karo.
MAHADSANIDIIN
SomaliDoc:
Tallaabda ugu horreysa waa in takhtarkii aad ku laabataa lana socodsii xaaladda bukaankal
Midda ku xigta waa in la baaraa in haweentu aysan dhiig yari ku dhicin oo laga cabbiraa HB-ga.
Midda ku sii xigta waa in la baaraa in uurkii uu jiro iyo inuu soo dhamaaday.
Midda ku sii xigta waa in hadduu uur jiro hooyadu lagula taliyaa in aysan sarirta ka soo dagin lana daaweeyaa wax keenayo dhiiggaan iska socdo.
Haddii uurkii uu soo dhamaadayne waa in hooyadu la siiyaa daawo dhiigga sare u qaadda, Ultrasound-ne la saaraa.
Daawooyinka aad ku xustay su'aashaadaa maahan daawooyin dilanka joojiso ama ka hortagto (Dilanka daawo joojiso ma jirto)
Daawada Vasosuprina waa daawo dabcisa minka si uu u juujiyo giigsamidda iy isu soo aruurka.
Daawada Navidoxine waa fitamiinka B6 (Pyridoxine).
Daawada Sanostol Syrup waa sharoobbo dhowr nuuc oo fitamiinno ah.
Daawooyinkaan waa kaalmaati kaliya ee macnaheedu maahan in dhiiggu istaagayo ama dilankii uu joogsanayo, takhtar ula xiriir sida ugu dhakhsiyaha badan.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version