Author Topic: SU'AAL: SHIGSHIGA MAXAA KEENA ? SIDEE LA ISAGA DAAWEEYN KARAA?  (Read 32317 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline GEEDOOW

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  SHIGSHIGA MAXAA KEENA ? SIDEE LA ISAGA DAAWEEYN KARAA ? TAKHTARKEE QAABILSAN SHIGSHIGA ?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: SHIGSHIGA MAXAA KEENA ? SIDEE LA ISAGA DAAWEEYN KARAA?
« Reply #1 on: March 20, 2011, 08:11:16 PM »


Shigshiga waa cillad uusan qofka si toos ah u hadli karin iyagoo aanan hadalka ka go'go'in.
Qofka wuxuu ku shigshigi karaa xarafyo ama erayo gooni ah ama uu hadalka ayuu kala jiidi karaa taasoo u muuqanayo labo jeer uu ku dhawaaqay eraygii.
Dadka badanaa shigshiga waxaa dhiba erayo gooni ah taasoo ay isku dayaan badanaa in hadalkooda ay ka ilaaliyaan, lamana fahmi karo illaa ay erayadaas ku dhawaaqaan taasoo loo yaqaanno "Covery Stammering".

Lama oga waxa keeno shigshiga laakiin waxay cilmi baarayaashu ay sheegaa in ay jiraan waxyaabo xiriir la leh shigshiga oo ay ka mid yihiin:
  • Dhaxal: hadduu qoyskaaga ku jiro qof shigshiga waxaa halis ugu jiraan caruurtaadu in ay shigshigaan.
  • Dhaawac: hadduu dhambaalka maskaxda u dirto xarunta kontoroosha hadalka uu hakad galo taasoo ka dhalan karta dhaawac gaara maskaxda waxay keentaa shigshig sida cudurka Falijka oo aad halkaan ka baran kartid: Faalijka".
  • Xilliga iyo da'da uu bilaawday shigshiga waxa ay muhiim u tahay daaweynta.
  • Shigshiga wuxuu ku badan yahay wiilasha (4:1) afartii wiilba, hal gabar ayuu ku dhacaa.
  • Waxay kaloo jirta in xaaladdda kacsanaanta niyadda qofka ay shigshiga saameen ku leedahay sida xanaaqa, welwelka, naxdinta iyo yaxyaxa.
  • Hadduu qofka horay u shigshigi jiray oo niyaddiisa ay kacsanta shigshiga wuu uga sii daraa.
  • Dhakhaatiirta waxay kaloo sheegeen in caruurta badanaa marka ay hadal baranayaan ay si dabiici ah u shigshigaan, markii ay hadal bartaanne ay joojiyaan taasoo loo malaynayo in shigshigga uu yahay cillada korinniimada looga gudbo.
  • Haddii shigshiga uu ka dhashay cillad xagga luqadda la xiriirto waxaa lagu gartaa in qofku uu shigshigayo kaliya markuu hadalka bilaabayo.

Shigshiga way ku kala duwnaan karaan dadka waaweyn iyo caruurta, nooca shigshiga iyo xadka shigshigaba.
Dadka shigshiga waxay caadi noqdaan markii ay heesayaan, nux-nuxleynayaan iyo markii ay dad wax la qaadayaan.

Khuraafaatka ay dadka ka aaminsanyihiin dadka shigshiga oo aynan waxba ka jirin ayaa ah n ay ka maskax yaryihiin ama ka caqli yaryihiin dadka kale.
Baaritaannada dhammaan waxay sheegeen dadka shigshiga iyo dadka aanan shigshigin in ay isku caqli iyo maskax yihiin.

Waxaa kaloo muhiim ah in aysan isku mid ahayn boobsiiska hadlidda iyo boobsiiska fikirka. hadduu qofka shigshiga uusan hadalka boobsiin karin maahan macnaheedu in fakaridda ay dhib ku tahay ama ay ku daahaan, maxaa yeelay dadka dhib ku tahay shigshigga dartiis in ay billaabaan hadalka ay u maleeyaan dadka uu u sheekeynayo in hadalka ka fakarkiisa uu ku daahay laakiin taasi sax maahan.

Ma jirto daawo shigshigga lagu daaweeyo laakiin caruurta shigshigta hadii isla markii lagu arko loo diro dhakhtar ku taqasusay luqadaha iyo hadlidda "Speach & Language Specialist". waxaa la arkay in isbadal fiican laga dareemo.

Waxaa kaloo muhiim ah in caruurta hadal baradka ah aanan lagu qoslin ama laga cabsiinin si aysan shigshig u billaabin ama ugu daahin hadlidda, taasoo keensanayso in caruurta ka dhumiso kalsoonida iyo geesinnimada hadalka.

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah ama faahfaahin, Fadlan ku soo gudbi qeybta su'aalaha.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55909
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162214
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106915
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57925
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62244
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig