Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: marka ay biyaha imaanayso in ay si slow ah u so baxdo?

(1/1)

Miskiin:
asc walal waan idin wada salamay dhamaantiin dhakhaatiirka iyo dhaman howlwadeenada webka
intaas ka dib waxan raba inaan su aashayda u dhaadhaco oo ah sida tan
waxa jirta marka ay biyaha imaanayso ama spermta in ay si slow ah u so baxdo oo aaanay u soo bixin si xoog badan
i mean in ay soo boodo biyuhu marka maxan samee talo ahaan iyo saamayn ma ku yeelanaysaa madhalaysnimo
waad mahadsantihiin

SomaliDoc:
In biyaha ay xoog ama xawaare ku soo baxaan waxa ay ku xirantahay xajmiga iyo cadaadiska ay biyaha leeyihiin.

Haddii mar dhow aad biyo baxday, marka labaad xajmiga wuu yaraanayaa, cadaadiska wuu is dhimayaa, kadibne xawaare gaaban ayuu ku soo baxayaa.

Xawaaraha biyo-baxa waxay ku xirantahay sida murqaha guska ay cadaadis xooggan u abuuraan.

Waxyaabaha keena in murqaha ay dabcaan oo xawaarahane yareeyo waxaa ka mid ah "Siigeysiga".

Ma jirto wax sare u qaadaya xawaaraha biyo-baxa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version