Administration Panel > Announcements

Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.

(1/4) > >>

Admin:
Salamu Alaikum

Waxaan maanta xubnaheenna sharafta leh la socodsiinaynaa meel walba ay joogaan in uu hirgalay heliddii qaamuus caafimaad oo af-soomaali iyo english ah.

Qaamuuskaan caafimaad waa kii ugu horeeyey noociisa ah. Ma jiro mid la mid ah. Waa qaamuus si wanaagsan looga soo shaqeeyey aadna u anfaca isticmaalka guriga, ardayda barata maadada caafimaadka, ama kuwa barta kalkaaliyenimada, dadka la shaqeeya waaxaha caafimaad iyo xiriirka u dhaxeeya takhtarka iyo bukaanka.

Wuxuu ka koobanyahay in ka badan 5000 oo erey, oo isugu jira cudurada, daawooyinka, cilada hiddo wadeyaalka firkooda iyo sida loo daaweeyo. Waxaa kale oo sii dheer qaliinka iyo sida loola xaajoodo takhtarka nooc walba uu yahay.

Qaamuuskaan oo qoristuusu qaadatay muddo dhan 3 sano ayaa waxuu soo gabagaboobay bishii January ee bilawga sanadkaan 2011.
Qaamuuskaan waxaa qoray Dr. Liibaan Ali Diriye oo ah takhtar ku taqasusay cilmiga dhiigga "Heamtology"  ahna qoraa xiiseeya qoraallada caafimaadka kuna nool dalka ingiriiska.
 
Ardayda caafimaadka ka barato dalka gudihiisa waxaan ugu bishaaraynaynaa in qaamuuskaan ay ku heli doonaan si bilaash ah iyadoo qoraaga ku talo jiro inuu soo booqdo bilaha soo socdo jaamacadaha caafimaadka ee ka jira dalka.

Qaamuuskaan warbixintiisa waxaad ka heli kartaan webka (www.pharmedic.org.uk)

Shenamic:

Waxaanu Codsanin Haddii la heli karro ama Macquul noqoto in qaybta Buubaagta lagu darro, si aanu uga faa'iidaysanno.
Waxaa jirta arday badan oo aan si toosa u helli karrin iyaddoo ay ugu wacan tahay meelaha ay dunnidda
ka joogaan oo laga yaabo in aan buugan laga heli karin meelaha suuqyadda ah.

Admin:
Anagoo dareensan baahida loo qabo qaamuus caafimaad, ardayda oo idline aysan wada heli karin ayaan waxaan wadnaa qorsho qaamuus caafimaad oo u gaar ah webka, kaasoo qof waliba uu ka baaran karo erayada uu rabo webka gudihiisa.

Waxaan rajaynaynaa in dhowaan aan hergalinno "SomaliDoc Online Dictionary".

Waana idin la socodsiin doonnaa wixii ka soo cusboonaada.

Abdirasaaq:
Waad mahadsantihiin sida wacan ee aad ugu dadaalaysiin dhalinta soomaaliyeed iyo dhalinyarada\ ardayda wax barato.. waana idinkaga fadhinaa intaan iyo inkabadan insha allaah, allahana idinka abaal mariyo, dhamaan intii kaqaybqaataday soo saaristaa waxii waxtar uleh umada somaaliyeed..

mahadsanidiin

Dr.Adnan:
Good work.....

People actually need this , esp students  and health-care workers..\
Good job

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version