Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Xanuun Iga haysta Gacmaha murqahooda iyo Bowd-yaha Lugaha

(1/2) > >>

Abdirizak:
A/sc.. dhamaan wallaalayaal waad salaamantihiin.
hadii aan u soogudbo su'aashayda waxay tahay..

Waxaan isku arkay jirkayga waliba gacmaha iyo bowd-yaha oo aad moodo inaysan tabar badan lahayn, walibana ay daalan yihiin xitaa waxaan murqaha gacanta markaan aan tuutuujiyo waxaan dareemayaa sidii inay wax dhiig oo kale ah fadhiyaan, dhakhtarna waa u tagay burseel waa leyga waayay..
marka Dr waxaan rabaa inaad iiga warantid arintaas illaahy cilmigaaga ha kuu siyaadiyee.
                                  Wabilaahi Towfiiq

SomaliDoc:
Imisa ayaad xanuunsantahay?
Qaabkee laguu qabtay markii ugu horreysay?
Maxaa xaaladdaada is bedel ku dhacay inta aad xanuunsanayd?
Maxaa calaamado kale aad leedahay oo la socdo tabardarridaan iyo murqo xanuunka?
Da'daada waa imisa, mana qabtaa cudur ka mid ah cudurra raaga sida dhiigkarka, sonkorta iwm.
Wax daawooyin ah oo in muddo qaadanaysid ma jiraan ama hdda aad qaadatidba?


Walaal si wax aan kaaga sheekno cudurka aad ka cabanayso waxaan u baahannahay warbixin buuxda iyo adigoo ka soo jawaaba su'lahaan kor ku xusan.

Abdirizak:
             Su'aalihii aad isoo waydiisay Dr jawaabohoodii waa ku waas
1- Imisa  ayaad xanuunsantahay?
Wakhtiga xanuunkaygu waxaan ku qiyaasay ilaa 3 sano.
2-Qaabkee laguu qabtay markii ugu horaysay?
Waxaan isku arkay markii ugu horaysay lafo xannuun isugu jira lugaha, gacmaha iyo dhabarka.
3- Maxaa xaaladaada isbadal ku dhacay inta aad xannuunsanayd?
Markaan isku arkay xannuunkan waxaan guda dalay inaan sameeyo jimicsi  isugu jira Dabaal, Kubad iyo inaan socod sameeyo maalintiiba mudo gaaraysa 1-saac(One Hour per day),.
4- Maxaa calaamado kale aad leedahay oo la socda tabardaridaan iyo murqo xannuunka?
Calaamadaha kale malihi laakiin waxaan isku arkaa markaan badda galo ama aan dhidido finan yar yar oo aan qofkae  arki kari aniga mooyaan, laakiin wax dhibaato ah maygu hayaan, taasna waxaan is iri waa kulayga iyo dhididka meesha aan jooga ayaa hada kulu.
5- Da?adaadu waa imisa, manaqabtaa cudur kamid ah cuduradda raga sida Dhiigkarka iyo Sonkorta iwm?
Da?adaydu waa 27 sano, cuduradaas aad kor kuxustayna maqabo illaahay ayaanu ka magangalnayee, laakiin waxaa jira Bawasiir Banaanka iga gayaal(external ?ah), wakhti  ku dhow 3 sano. Iyo isha midig oo aan xoogaa ??System Nerve??.
6- Wax daawooyin ah oo in muddo qaadanaysay majiraan, ama aad hada qaadatid?
Bishan gudaheeda ayaan dhakhtar  u-tagay wuxuuna ii diray inaan dhiigag iyo kaadi iska qaado, kadibna jawaabtii waxy noqotay sidan:
A- RF (Negative)
B- WBC
C- PRP(Negative)
D- BRUCELLE(Negative)
Dawooyinkaana waa uu ii qoray:
A- ADENOSIN FORTE ( Injection)
B- DICLOFENAC VOLTERN 75mg (sodium injection)
C- CEPHEXCILENE (KIINI)
D- NEO HEALAR (SIBOOSTO).
Hada waxaan xoogaa dareemayaa fiicnaan, laakiin waxaad moodaa inaan u baahanahay Duugis jirka ah, waliba murqaha Gacmaha, Lugaha iyo Dhabarka..
   Illaah ayaa caafimaadka bixya ayaan caafimaad waydiisanaynaa Dhamaan inta xannuunsan
                                                          Aamiin Aamiin Aamiin
                                                            Wabilaahi  Towfiiq

SomaliDoc:
Aamiin allaha ku caafiyo.

Waxay ila tahay in aad la xanuunsantahay cudurka lagu magacaabo Fibromyalgia.
Halkaan ka akhriso waxa cudurkaan uu yahay:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html

Haddii aad u baahantahay in lagaa hubiyo la xiriir takhtar ku taqasusay cudurrada lafa xanuunka. "Rheumatologist"
Murqo xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1436.0
Riixa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0
Lafo-beelka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0
Xubno xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0
Dhabar xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=570.0

Abdirizak:
A/S/C..............
Marka hore waxaa mahad iska leh illaah, marka xigtana waxaan u-mahad celinayaa Dhakhaatiirta webcan iyo dhamaan macaamiisha sida fiican uga qayb qaadata inay waydiiyaan dhakhtarka somalidoc.com. su'aalaha kaga aadan xanuunka ay fahmi waayeen.

Teeda kale hadii aan usoo noqdo nafsadayda, aad baad ugu mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad iigu soo jawaabteen, idinkoo wakhtigiina ii huray,.
Xanuunka aad ii sheegteen inaan qabo inay macquultahay, waxaan u malaynayaa sidaas aad sheegteen inaan xanuunkaas dareemaayo ah '' FIBROMYALGIA'', taasna waxaa daliil u ah qaabka aan u dareemaayo xanuunkaan gaar ahaan Jirkayga, Murqaha iyo meelo kale..

Hada sidaad sheegaty xanuunkaan wali lama hayo natiijadiisa iyo daawadiisaba illaaah ayaa daawo hayee,.
waxaad noosheegteen in cudurkan lagu garto oo kaliya cabashada bukaanka iyo wiisito-muuqaaleed''Physical Examination'
oo kaliya, hadaba hadaan sameeyo jimicsiga noocuu doona ha ahaadee jirkayga waxaan ka dareemayaa inaan soo fiicnaanaayo marba marka ka danbaysa.

Waxaad kaloo igula taliseen inaan Dhakhtar qaabilsan lafaha '' Rheumatologist'' aan la xiriiri laakiin nasiib daro meeshaan joogo ma joogo dhakhtarkaasi, ee idinku maxaad igu la talin lahaydeen oo kale, hadayse jirtaba wax dawo kaalmaati ah oo aad ogtihiin ii soo sheega fadlan, idinkoo la xiiriiraya dhakhaatiir kale..
 
                                               WABILAAHI TOWFIIQ
 

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version