Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Xanuun Iga haysta Gacmaha murqahooda iyo Bowd-yaha Lugaha

<< < (2/2)

SomaliDoc:
Ma jiro wax baaritaan ah oo lagu garto cudurkaan "Fibromyalgia"
Talada aan ku siinnay oo ah in aad qaabisho takhtar "Rheumatologist" ah waxaa laga yaabaa maadaama uu khibrad dheeraad ah u leeyahay cudurradaan oo laga yaabo in uu kala garto isagoo adeegsanayo khibraddiisa si uu kuugu kala caddeeyo waxa aad qabto.

Takhaatiirta ku takhasustay cudurkaan waxay yiraahdaan dadka qaba "Fibromyalgia" waxay leeyihiin wax la yiraahdo "Tender Points" oo ah macnaheedu meel daqnato "Baro Daqnasho" haddii la taabto oo jirka ka mid ah, meelahaas oo gaarayo tiradooda 18 meel.

Haddii 11 meel oo ka mid ah 18-da meel uu qofku "fibromyalgia" qabo ka daqnado markii lagu sameeyo baaritaan loogu tala galay waxaa la dhihi karaa qofka wuxuu qabaa Fibromyalgia.
meelahaas waxaa ka mid ah: Surka/Qoorta, Feerta labaad ee feeraha (labada dhinacba), Kugta/Dhakada, Muruqa dhabarka kore, muruqa garabka, Xusulka (dhinaciisa banaanka xiga), Sinta (meesha bowdada ka soo fiiqan), Barida (meesha ay ka billaabato) iyo Jilbaha.

Sida loo ogaado ama sida loo daqniyaba la xiriir takhtarka aan kuu sheegay.

Inkastoo aan la ogeyn sida jimicsiga uu u daaweeyo cudurkaan "Fibromyalgia" laakiin waxaa la isku raacay in jimicsiga la sameeyo sida dabaasha, bushkileeyi wadowga iyo rucleynta ay tahay mid aad ugu fiicnaadaan dadka qaba cudurkaan, inkastoo lagula taliyo in maalin dhaaf ay u sameeyaan jimicsiga.

Daawooyinka la arkay in "Fibromyalgia" ay wax ka taraanne waa daawada loo adeegsado diiqada ama wewelka yareeyo.
SomaliDoc

Abdirizak:
A/sc..
Wll waad ku mahadsan tahay information-kan dheeriga ah ee aad sida fuhan iigu sii gudbisay,.

Taladiina waan qaadanayaa dhakhtarkaas ku takhasusay cilmiga Lafa Xannuunka '' Rheumatologist''
waan laxiriirayaa sida ugu dhakhsi yaha badan..
 
                                               WABILAAHI TOWFIIQ
                               

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version