Author Topic: Sheeko Noo Sheeg!  (Read 6305 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Sheeko Noo Sheeg!
« on: October 24, 2007, 01:43:54 AM »
Hadii ay jirto sheeko caafimaadeed aadna jeceshahay inaad nala wadaagto, halkaan ku sheek, shardi sheekadu waa inay mid sax oo dhacday ay tahay afsomalina ay ku qornaataa, sheekooyinka badanaa na soo mara way badanyihiin lakin waa la hilmaamaa ama waa la caadeystaa.

Sheeko layaableh hadii aad heyso oo adiga kugu dhacday ama goobjoogo ka aheed nagu soo biiri adgoo mahadsan.

Waxbaro!


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


Online Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Sheeko Noo Sheeg!
« Reply #1 on: October 24, 2007, 10:55:07 PM »
Waa ku mahadsantahay waxbaro boga sheekada aad furtay, sheekooyin badan way na soo maraan, khaas ahaan dadka ka shaqeeya isbitaalada.
Sheeko la yaab leh ayaa doraad naqabsatay, waxeyne ka dhacday isbitaal la yiraahdo Sudanese Turkish Hopital oo kuna yaala khartoum wadanka Sudan.

Islaan uur leh oo 9 bilood ah ayaa timid qebta bukaan socodka aadne u xanuunsan, islaanta waxa ay ka sheeganeysay in cunuga caloosheeda ku jira uusan dhaqdhaqaaqin 4 maalmood, markii la dhageestayne wax wadna garaac ah lagama maqlin, kadib waxaa loo diray qeybta "Ultrasound-ka" ama sida ay somalida u taqaano "Kumbuyuutar" kadib warqada nasoo gaartay waxa ay cadeyneysa inuu cunuga dhintay wax cadeyn oo ah inuu noolyahay inaan la heyn sida ugu dhakhsiyaha badane loo soo saaro, sidaan ayey warqada ku soo gabagabowday.

Action: Termination
Reason: IUFD (Intrauterine Fetal Death)


Anaga go'aankaas qaadanay markii la isku geeyay cabashadii hooyada, iyo baariteenkiinii iyo kii kumbuyuuterkaba ayaan bilawnay inaan soo saarno cunuga, sida caadada ahne markii xaalad sidaanoo kale ay timaado qolalka dhalmada ee caadiga lama isticmaalo oo waxaa looga baqayaa infection, waxaana lagu dhaliyaa meel gooni ah kana baxsan qeybta haweenka.

Yaan hadal kugu daalininee islaantii waxey dhashay cunug nool oo waxey noqotay sheeko aad loola yaabay maalintaas. cunugii wiil ayuu ahaa naqaska ayaana dhibayay waxaa lagala soo cararay meeshii fogeed, dhinaca nursery-ga ayaa lagu badbaadiyey, waxaana loo bixiyay "عبدالحي".

Qaraabada iyo waalidiinta inuu wiilkoodu noolyahay way rumeysan kari wayeen oo waxa ay ku noqotay layaab iyo amakaag.

La soco sheekoyin kale
Mahadsanidiin
Dr.Mahdi



"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


 

Su'aal: Wax iiga sheeg xanunka muruq bood boodka?

Started by Shukri CiseBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 3976
Last post March 07, 2016, 02:36:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?

Started by Ibnu muhammadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 73215
Last post September 02, 2015, 02:45:21 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Soomaali iigu sheeg Enzyme & Hormone?

Started by Abdi...Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 2798
Last post March 29, 2019, 04:48:54 AM
by Abdi...
Dhaqtar Ku Sheeg Jarmal Ah

Started by PharmacistBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 3
Views: 7110
Last post December 10, 2007, 10:30:30 PM
by Dr.Noora
Nuurtooy Wax Badso Wax La'aan Ayey Leedahay!! (Sheeko Gaaban)

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 17866
Last post July 26, 2009, 09:30:58 PM
by Waxbaro!