Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waa maxay Helicobacter pylori ?

(1/1)

Hussein Cadde:
Asc dhamaan bahda somalidoc iyo dhamaan umadda somaliyeed ..walaalayaal waxaan doonayaa in aan ogaado waxa ay tahay Helicobacter pylori waxa keena iyo dawwenteeda waxay ila tahay in Helicobacter pylori ay somali badan ka faaideysan doonto


                                                                                               Mahadsanidiin

Drkheyre:


Wacaleykum Wasalaam
Helicobacter pylori: waa bekteeriya oo sababta caabuq ku dhaca caloosha iyo boog caloosha gudaheeda. bekteeriyadaan waa midda ugu badan ee dunida sababta boog. infekshinka H. pylori badanaa waa la kasbadaa waxayna ka timaadaa cuntooyinga iyo biyaha wasakheysan sababtoo ah shaqsi ka shaqsi ayee ku faaftaa. infekshingaan waxa uu u badanyahay meelaha dadka buuxaan oo nadaafada liidato.
Wadamda nadaafadooda liidato, 90% cudurka wee qabaan. 6 bukaan oo infekshingaan qaba mid ka mid ah ayaa waxaa ku dhaca boog mindhicirka qeybtiisa hore iyo caloosha, sidoo kale waxaa la rumeysanyahay in bekteeriyadaa lala xiriirinaayo kansar ku dhaca caloosha.

Halkaan ka Aqriso Caabuqa Caloosha/Gaastriko (gastritis)
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0
Halkaan ka Aqriso Cunnada u roon Gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5963.0.html

Halkaan ka Aqriso Gaas Calooleed (Peptic ulcer disease (PUD) - English http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,109.0.html
Haddii aad su'aal qabtid, fadlan ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version