Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Dhiig ka yimaada farjiga maalinta 13 ama 14naad caadad ka dib?
(1/1)
Imaan:
asc,waan idiin salamay somalidoc.
waxaan rabaa inad iga jaahil bixisaan su'aal aan jawab u waayay adinkoo mahadsan.
waxaan isku arkaa dhiig ka yimaada farjiga maalinta 13 ama 14naad caadad ka dib hadii aan galmo sameeyo.
dhaqtar ayan tagay waxad qabto ma leh ayuu i yiri waanse ka wal wal qabaa arintaa.
waad mahadsan tihiin.
SomaliDoc:
Dhiiga ma waxuu yimaadaa mar kasto oo aad galmo samayso? mise galmada aad samaysid labadaas maalin kaliya?
Caadada mar walbo ay kaa dhamaato maa dhiig yimaadaa maalmahaas mise galmo la'aan ma yimaadaan?
Caadadu ma kaa wareertaa?
Xanuuno kale aad dareemeyso ma jiraan maalmahaas aad tilmaantay ama xanuun aad dareento xilliga galmada?
Walaal su'aalahaas ka soo jawaab si loo fahmo su'aashaada...
Navigation
[0] Message Index
Go to full version