Diseases and Conditions > Cudurrada Guud

Infekshinka dusha-kore dhegta (Otitis externa ).

(1/1)

Drkheyre:
Infekshinka dusha-kore dhegta (Otitis externa ).

Infekshinka dusha-kore dhegta (Otitis externa ) waa infekshin ku dhaca dahaarka sare ee dhegta iyo kanaalada dhegta. Infekshinkaan waxaa sababa bekteeriya, fungaas, dhaawac iyo waliba biyo badan oo ku dhaca dhegta.

Calaamadaha

# Xanuun si tartiib tartiib ah oo hormarsameynaayo.
# Barar, gaduudasho.
# Dhawaq ama guux oo laga dareemo dhegta.
# Maqal la'aan.
# Dheecaan soo burqada marmarka qaar.

Ka hortaga Infekshinka dusha-kore dhegta

Badana Infekshinka dusha-kore dhegta waa laga hortagaa ayadoo la yareenaayo fursada biyaha ama qoyaanga ku galayaan marinada dhegta, sidaas darted isticmaal talaabooyingaan.
# Si taxadar leh u qalaji dhegta ka dib dabaalashada ama qubeyska.
# Iska lux biyaha badan ee dhegta gudaheeda.
# Xiro gufka dhegaha "earplugs" xilliga dabaasha.
# Waxna dhegta ha iska gelin.
# Ka nadiifa dhegta dhugayka laakiin dhaqtar la tasho.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version