Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Labada garab salkooda ayaa laygaga dhaganyahay?

(1/2) > >>

Bardacad33:
waad salaaman tihiin dhamaan dhaqatiir ta hadaan u gudbo su.aashayda waa walaa labada garab salko dan ayaa layga ga dhagan ya
hay ilaa iyo labada naasod hostooda marka mar mar ayey igu ka caan marka qabawga saa idka ayaa dareema oo xataa waxaa ka loo
ila xanuuna qadaadka ama jeegada ilaa iyo indha ha hoostooda iyo gacmaha marka walaal iga jahil bixiya

SomaliDoc:


Xanuun labada garab salkooda ah ama inta u dhaxaysa waxaa keeni kara jug ama murqo xanuun.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa cudurro meel kale ku dhaca sida: wadna qabad soo socda, xanuun xamiito, kaankaro beer iyo gastrikada.

Xanuunka hadduu la socdo daqnasho markii la taabto ama la riixo meelaha aad ka cabanayso, haddii jimicsi samaysid ama iskala jiidid kaa tagayo waxay u badantahay in ay tahay mruqo xanuun.
Hadii xanuunku la socdo lafaha oo jucjucsama ama dhawaaq sameeya ama markaa dhaqdhaqaaq sameyso kaaga dara waxay u badantahay lafo xanuun.
Haddii xanuunka markaa neefsato, hamaansato ama halaaqyooto ku xanuuno feeraha ama salka garabkisa waxaad ka cabanaysaa cudur ku dhaca dahaarka sanbabada oo loo yaqaanno "Pleurisy" ama waxa soomalida u taqaanno koolbo aaryo.
Haddii xanuunku uu siyaado markaa wax liqaysid ama cunno cuntid, laabjeexne aad qabtid waxay u badantahay xanuunka inuu ka dhashay gaastriko dhaawac gaarsiisay jidiinka.
Haddii xanuunku la socdo markaa oroddo ama hawl culus qabato waxaa laga yaabaa in wadnaha uu la xiriiro.

Fadlan la xiriir dhakhtar kaa hubin karo xanuunkaaga, haddii aad welwesan tahay.
Halkaan ka akhriso qoraallo la xiriira su'aashaada:
1- Murqo-Xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html
2- Koolba-aaryo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1970.0.html
3- Dhabar-Xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,570.0.html
4- Wadna-Xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,668.0.html
5- Wadne-Qabad: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html
6- Gaastiriko: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
7- Fibromyalgia: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html
Haddii aad su'aal qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Bardacad33:
walaal hada ka hor dhawr jeer ayaan utagay dhaqatir kala duwan oo uu ku jiro mid neerfaha qabisan
marka waa layso qoray irbado iyo kiniyo nerfa ha ah marka walaa markaan isticmaalo dawada markii way
iga jabaysaa marka  waxaa kalo l iiqabana yaa dhan ka margiya ha iyo neer faha marka walaal mar kaan jimicsado
waa nafisayaa markii la ii riixriixo na sidookale waan nafisaa

Bardacad33:
walaa marka aan qabow dareemo waxaa  isku kay dhagaya garabka salkii iyo naaska bidix  labada garab waa is ku mid
markaan qabowga dareemo ayuu igu kacayaa

SomaliDoc:
Maxaad nooga sheegi kartaa baaritaannada lagugu sameeyay waxay ahaayeen iyo jawaabahaba?
Daawooyinka laguu soo qoray iyo kuwa aad ku fiicnaatayba noo sheeg iyadane?

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version