Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

(1/2) > >>

GEEDOOW:
ASC WR WB .
WAXAA BADANAA ARAGNAA DHALINYARO RAADINEEYSO KANIINIGA HIMADA KORDHIYO AMA GALMADA LOO ISTICMAALO OO IYAGOON BAARITAAN SAMEYN AMA TAKHTAR AAN U QORIN KASOO IIBSANAAYA MEELO SUUQA MADOOW AH,WADAMADA CARABTABA HA U BADNAATEE , WAAMAXEEY DHIBAATOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGALA KULMI KARO DAAWOOYINKAAS ?
MAXAA SHURUUD AH QOFKA ISTICMAALAAYA DAAWOOYINKAAS ?
WAADMAHADSAN TIHIIN .

Deeqcali:
Asc salaan ka dib dhibaatooyin ma leeyihiin daawooyinka loo adeegsado galmada sida vegaha oo l?o isticmaalo in ay iga kaalmeyso inaysan biyaha dhaqsi iga imaan wabilaahi towfiiq

SomaliDoc:

Feegada ama Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sare u qaadane qulqulka dhiigga ee xubinta ragga.
Viagra waxaa lagu daaweeyaa kacsi la'aanta (Erectile dysfunction), Akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html
Viagra waxaa kalooo lagu daaweeyaa xaalado kale oo caafimaad.

Talo:
Ha qaadan viagra haddii aad qabto wadna xanuun ama aad qaadato daawada loo yaqaanno "Nitrates".
Wuxuu kuu keeni karaa faalij, dhiig-kar ama wadnaha oo istaago.
Akhriso cudurka Faaliga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html
Akhriso cudurka Dhiig-karka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,467.0.html
Akhriso cudurka Wadna istaagga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html

Weligaa hal mar ka badan maalintii ha qaadan daawadaan.

Viagra wuxuu kaloo lumin karaa aragtida madaama uu socodka dhiigga ee indhaha uu yareeyo.
Viagra wuxuu u daran yahay dadka qaba kaadi macaanka, kolestaroolkooda sarreeyo, ama dhiig kar qabo.

Inta aadan qaadan viagra kala tasho dhakhtar ama u sheeg dhibaatooyinka aad qabto oo dhici karto in uu halis ku tahay daawadaan.
Xanuunada in lagaa baaro ay muhiim tahay waxaa ka mid ah:

* Dhiigkar
* Sonkorow
* Hawlgab wadne
* Xanuun beer
* Xanuun kelli
* Dhibaato dhiigbax
* Gaastiriko
* Indho caad
Haddii aad qaadatid daawadaan xilliga galmada waxaa dhici karto in aad dareento wareer, lalabo, xanuun, kabuubyo ama xatxato feeraha iyo gacmaha ah, haddii aad isku aragtid calaamadahaas, jooji daawada oo dhakhtarka la tasho.
Haddii aad isku aragto guux dhegaha ah, wadno garaac, madax xanuun, xasuus lumis, suuxdin, jooji daawada isticmaalkeeda.

Waxaan farriin u dirayaa dadka dhalinyarda ah ee qaata daawadaan iyagoo aanaysan jirin baahi caafimaad oo ay qabaan, waxayna qaarkood qaataan iyagoo aamisan inay ragannimada kordhinayso ama howshiisa uu laba jibaari karo, laakiin dhibaatooyin kale ayaa ka dhaxli kartaa.
Daawadaan waxay ka mid tahay daawooyinka aadka looga ganacsado, waxaana la sheegaa boqolkiiba 60% daawada suuqyada taallo in ay feeg tahay, waxaana aad loo iibgeeyaa wadan kasta iyadoo aan loo sharxin qofka dhibaatooyinka uga imaan karto.
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

GEEDOOW:
ASC WR WB
JAWAABTAAS WAAN FAHMAY EE WAA VAIGARAHA EE WAXAAN RABAA IN WAX LA IIGA SHEEGO DAAWADAAN LAYIRAAHDO   CIALIS WAXAAN FILAYAA IN IYADANA LOOGU KAALMEEYSTO GALMADA EE DHIBAATOOYINKA EEY KEENI KARTO MAXAA KAMID AH .
WAADMAHADSAN TIHIIN .

Deeqcali:
Waxaan qabaa gastaric vegaha dhib ma ii keena hadan u isticmaalo galmada

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version