Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

<< < (2/2)

SomaliDoc:

--- Quote from: GEEDOOW on May 15, 2011, 04:55:12 PM ---ASC WR WB
JAWAABTAAS WAAN FAHMAY EE WAA VAIGARAHA EE WAXAAN RABAA IN WAX LA IIGA SHEEGO DAAWADAAN LAYIRAAHDO&nbsp; &nbsp;CIALIS WAXAAN FILAYAA IN IYADANA LOOGU KAALMEEYSTO GALMADA EE DHIBAATOOYINKA EEY KEENI KARTO MAXAA KAMID AH .
WAADMAHADSAN TIHIIN .

--- End quote ---
Kaniiniga CIALIS waa kaniini sida Viagraha oo kale ah waxay ku kala duwanyihiin kaliya in kaniiniga CIALIS uu muddo dheer jirka ku jiro oo dhan 17 illaa 36 saacadood meesha kaniiniga Viagraha uu jirka ku jiro 4 saacadood kaliya, isku si ayay u shaqeeyaan wayna isku samays dhawyihiin.


--- Quote from: Deeqcali on May 15, 2011, 11:10:34 PM ---Waxaan qabaa gastaric vegaha dhib ma ii keena hadan u isticmaalo galmada
--- End quote ---
Waxyaabaha uu keeni karo kaniiniga Viagra-ha waxaa ka mid ah laabjeex, dibbiro iyo gaastiriko.

Amxad:
Asalaamun Calaykum
waxaan ka cudur daranaa inaanan aqoonin meesha dhakhtarka su'aal laga waydiin karo marka hadaan khaldamo iga raali ahaada,intaas kadib Su'aasha aan dhakhaatiirta waydiin waxay tahay waxaa jira Kiniiniyo badan oo meesha ku qoran oo sida ku cad dhinaca galmada loo isticmaalo sharaxaad qiima badana waad naga siiseen wax qabadkiisa iyo waliba dhibaatooyinkuu keeno hadaad xanuun qabto,hadaba ma lamidbaa mise waxbuu kaga badalan yahay kiniinkan la yiraahdo (Grow Plus)?Haduu ka badalan yahay maxuu kaga badalan yahay?
Waanad mahadasantihiin.

SomaliDoc:
Daawadaan waa daawo dhireed sida ay sheegto shirkadad sameyso oo swedish ah, wax faahfaahin ama ansixin oo lagu sameeyay daawadaan ma jirto. shirkaddu waxay sheegtaa oo aan la hubin in kaniiniyaashaan oo la qaato muddo dhan 6 illaa 8 bilood in kacsi xumida lagu daaweeyo iyo iyadoo xubinta taranka ragga ee dheereyso! taasoo caafimaad ahaan aan sax ahayn.
Waxaa jira boqolaal daawo oo la xayeysiiyo lana sheego in loo adeegsado arrimahaan oo dhibaatada ay keensan karaan laga warqabin.

Amxad:
Asalaamun Calaykum

Xalay ayaan Su'aal soo qoray mana arko Jawaabteeda hadayna meel kale ku jirin,hadaba su'aashaydu waxay ku saabsantahay bal in layga jaahil tiro haday jirto Dawo loo isticmaali karo gabarta Bikrada ah macnaha fududayn karta,hadaad horey uga jawaabteen oonan aragna waxaan idin ka rajayn in la iisoo sheego Inshaa allaah sheekada ay ku timid oo dhamaystirana horaan usoo qoray.
Waanad mahadsantihiin.
Salaamulaahi Calaykum.

SomaliDoc:
Waxaa jira kaliya bamaato ama kareem kabuubiso ah oo yareysa xanuunka laakiin ma jirto daawo wax duleeliso ama wax jilciso toonaba...

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version