Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Hargab wato xaako adag oo cagaaran?
(1/1)
Cabdikariim:
Dhakhtarka waxaan way diinayaa, waxaa keena in marka uu hargab daran qofka ku dhaco uu yeesho xaako adag oo ka imaanaysa xabadka oo adag, midabkeeduna yahay cagaaran khafiifa. Iyo qofko xuuqxuuq ay ka yeerto markay ku samaysanto? Mahadsanidin
SomaliDoc:
Hargabka waa cudur feyras oo fudud, wuu iska baab'aa waqti ka dib laakiin waxuu isku badali karaa cudur bakteeriyo isagoo yeesha calaamadaha aad tilmaamaysid oo ah xaako adag, qandho, dheefsashada oo dhibta qofka taasoo macnaheedu noqon karto inuu isku badalay burkiito ama oof-wareen.
Hargab ayaa igu xumaaday haddii aad maqasho macnaheedu waa hargab is badalay.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version