Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Jirka Ku Yimaad Is Bedel Maxaa U Daawo u Ah????!!!!!
Muna O.Hamari:
Asalamu Alikeum,
Somali Docotrs
Aaad baa Idin Salaamayaa Dhamaan Dhakkaatiirta Webka iyo Dhamaan Wixii Ka Hawl Gal......
Inta Kadib
Su,aashaa Aan Doonayo Inaan Idin Weydiiiyo Waa Sida Ta Soo socta:-
1) Markii Hore Doctor Jirdkeygu Caadi Buu Ahaa Miisaankeyguna wuxuu Ahaa Marka 49kg, Ka Dib Muddo Dheer Ahana Igumuu Kordhin Waxa Misaan Ah ilaa Muddo Gaareysa 7 yrs , Hadaba Muddo Hadeer Aan laga Joogo 9 Months, Waxaan Ka Shaqeynayay Gobol Aaad Cimiladiisu U Qabawdahay Waxaa Dhacay Inuu Miisaanka Igu Kordhey Uu Noqdo 13.5 Kg Gaareyna 62.5Kg
Dhanka Shaqadii Wuxuu Noqdey Saacadaha Aan ku Jiro ugu In ay Tahay 8Hrs iyo In Aan Ku so Laabto,Isla Markaana Ay Tahay Shaqo Xafiiseed lagana Shaqeyanayo Different Departments Loona Baxo Rural Area.
Igu Danbeyn My Question Is:-
Waxaa Dhacay Jirkeygii baa ku yimi Qarqarax Ama Dildilaac xaga Bawdyahay iyo Kubabka Marka Wax Daawo ahana Kumaan Degdegin Sabatoo Ah kana Baqey in Dawooyinka loo Adeegsado In ay igu keeno Wax Damage Ah,
Marka Doctor Waxa Jeclaan Lahaa In aad Isoo Qortaan Nameka Dawada igu Haboon Aaan Sitcimaali Karo,Iyo Wxii Talo Ah Aad Isiin Kartaan
Walibana Malihi Waxa Allergic Skin ah.
Mahadsanid Doctor
SomaliDoc:
Wallaal daawo aad isticmaasho kuuma sheegi karno maxaa yeelay siyaasadda u dagan webka kuma jirto in daawa halkaan looga qoro dadka xanuunsanayo.
Waxay takhaatiirteennu bixiyaan kaliya warbixinno, sharaxaad ama qoraallo wacyi galin.
Ka la xiriir takhtarkaaga daawada aad u baahantahay.
Muna O.Hamari:
Asalamu Aleikum
Dear Doctors
Waad Ku Mahadsantihiin
Su,aashii Hore Jawaabtedii Waa Akhristey Inkastoo Aan Filayo in Aanan Fahmin Ama Ay JIrto Is Maan Dhaaf Balse Again waxaan Idin Leeyahay GIVE ME ADVICE.
Wax Xanuun ah igu Mahayso Se Waxa JIra (Skin Damage/Crakz) .
Marka Waxaan Codsanaya Doctors Order/Advice Aan Raaco Oo Ayaan Jeclaan Lahaa.
Haddi Aad Ileedihiin La Xriiri Doctor Qaabilsan oo Ah (Dermotolgist) Taasi waa Wax Dhici Kara
Mahadsanid
Alla Mahad Leh
SomaliDoc:
Dildillaaca maqaarka oo ay keento qaboobaha badan oo dila unugyada maqaarka sare waxaa lagu daaweyn karaa laba mid:
Haddii dildillaacu uu yahay mid badan, xanuun wato ama dhiig uu keenay waa in aad la xiriirtid takhtar maqaarka ah
Haddii uu yahay mid billaw ah waxaad ku xallin kartaa in aad isticmaasho walxo aad ku subkiso maqaarka si u difaaco maqaarka sida saliidda, labeenta, kareemyada, faasaliinta IWM.
Tan danbo waxay kaa caawinaysaa in dillaaca u ureysto kana hortagto dildilaacyo kale oo cusub.
Muna O.Hamari:
Asalamu Aliekum
Doctors
Thank you for your Answer.....
Si fiican baad u fahamey Jawaabtaasi balse idinkoo Raali ah Doctors Waxaan wali Doonayaa Su,aa kale oo ka Duwan in yer oo ah sida tan So Socta:-
1)Ka waran Dildilaaco keeno Qofka oo Xooga cayilo Markaa Dildliaacaasi kuna Badan yahay Jirka Meelaha Qaar Marka Doctors Maxa iyadan Arrintaa Lagu Baabin Karaa ?
Su,aashaasi wax xal ah Ma Loo Heli Kara Ama Talo Bixin
Idinkoo Mahadsan Dhakhaatiirta Web kan......
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version