Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: waa maxay dialysis?

(1/1)

Hassan Bile:
waxaan geeyey gabar walaashey hospital ku yaalo nairobi, aad ayey u xanuunsaneed dhaqtarkii la geeyeyna wuxuu ka sheegey kidney failure aa jiro marka waxaan u sameyneynaa dialysis ayuu yiri. Waana u socotaa howsha hadda maalin kastana dhiig ayuu ka qaadaa waxbaa u dhiman buu ku hayaa marka waxaan rabaa shaqada dialysiska inaan ogaado.

Dr.Adnan:
Marka kalyuhu "Kidneys" ay caafimaad qabaan, Waxa ay qabtaan shaqooyin faro badan oo ay ka mid yihiin

* In ay dhiiga nadiifiyaan, kana saaraan sunaha iyo walxaha dhaawaca u gaysan kara
* In ay sameeyaan hoormoono "Hormones" loogu baahanyahay xoojinta lafaha iyo samaynta dhiiga
* In ay dheeli tiraan cusbada, biyaha iyo macdanaha jidhka
Sidaa aawadeed marka kalyuhu hawl gabaan "Kidney failure" , shaqooyinkan kor ku xusan ayaa loo baahanya walax qabata, Ilaa inta qofka kalyo cusub loo galinayo amaba kuwiisii hore bogsanayaan waxa uu u baahanyahay Dialysis si uu hawshaasi u qabto.

Dialysis-ku waa mashiin qabanaya qaar ka mid ah hawlihii kalida, Sida nadiifinta dhiiga, laakiin qofku waxa uu u baahanayaa inuu qaato daawooyin iyo waliba macdanaha qaarkood. Qofku waxa uu dialysis-ka u aadaa kolba inta baahidiisu tahay , dadka qaar maalin walba qaarkoodna usbuucii hal mar, dhakhtarkaaga ayaana go'aamin kara.

Si aad warbixin dheeraada uga hesho hawlgabka kalyaha Guji Halkan


SomaliDoc:
Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlaayo "Dialysis" http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version