Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Liiga Shahwada?

(1/1)

Ahmed333:
ASC waan idin salaamay aqyaarta  somali medical illahay ha idinka abaal mariyo shaqada fiican ee aad u haysaan dhamaan inta ku hadasha afka somaliga.
Suashaydu waxay tahay maxaa lagu dawayn karaa liiga shahwada ama biyaha oo soo dareera kaadida ka dib iyadoo wax dareena aanay jirin. cuntooyinkee ayaa iga caawin kara si dareenkaygu uu aad u hore maro
waxan idinka cosnayaa inaad cuntooyin gaara aad ii sheegtaan idinkoon isticmaalyn fadlan eryada protin, vitiman oo aad iigu soo sheegtaan magacyada cuntada sida muus ama babaay aad ayaad u mahadsantiin

SomaliDoc:
Biyaha yimaado markii qofku kaadida dhameeyo waxaa keeni kara laba waxyaalood:
Haddii biyaha ay yihiin kuwa cad oo aan laga aqoon biyaha manida waxay ka timaadaa qanjirka ragga (Borostayt-ka) taasoo markii qofku jiiranayo uu qanjirka cadaadismo kadibna ay timaado manidii horay ugu jirtay.
Waxay biyahani badanaa yimaadaan markii qofku saxaroonayo ama uu in badan fadhiyo kadibna kaadiyo, fikradane waxay tahay in qanjirka borostaytka uu caabuq hayo kaasoo loo yaqaano "Congestive Prostatitis" oo uu bararo kadiban markii qofku jiirto (saxaro ama kaadiba) qanjirii cadaadismo saana ay ku timaado biyo aan laga aqoon biyaha manida.

Haddii biyaha ay yihiin biyo calow / casuur ah oo aan nadiif ahayn waxay calaamad u tahay cudurro dhowr ah oo laga qaado galmada sida: Jabtida, Chlymedia IWM.

Halkaan ka akhris qoraallo dhowr ah oo ka hadlayo cilladaan:

Caabuqa Qanjirka Ragga:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html

Bararka Qanjirka Ragga:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0

Shahwo timaada saxarada kadib:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2631.0.html

Kaankarada Qanjirka Ragga:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=749.0

Cudurrada Galmada lagu qaado (STDs):
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0

Jabtida iyo Daaweynteeda:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0

Kalameedia:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0

Waraabow/Isfiilito:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1339.0.html

Galmada Ammaanka ah:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2846.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version