Author Topic: Su'aal: Goitre Thyroid Swelling?  (Read 5308 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Umu Kowsar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Goitre Thyroid Swelling?
« on: July 24, 2011, 02:21:05 AM »
Asalaamu caleykum aad iyo aad baa u mahadsan tahay  sida aad u caawisan dadka walalihiin ah oo idin waydiinaayo  su aalaha ah ku sabsan caafimaadka   ILAHAY ha adinka abaal mariyo
 
su aasheeda waxa ay tahay waxan qabaa nuuc ka mid ah(Thyroid Swelling) oo loo yaqaano  Goitre  sida ay ii sheegen dhaqaatiir GB waxay ku ogaaden scan  ay iga sareen dhuunta  dhanka   dhiigeyga lagama helin   dhiiga Thyroid.  waa leyga dareemaa  in uu qanjir soo kusan yahay dhanka midig  markii aan dareemay waxay aheed xanuunkiisa sanad iyo bar ka hor waxaa inta badan igu kaca qunka  markaas dhuunta way i xanuuntaa  marka aan qabo hergabka  iyo marka uu dhiiga caadada igu soo socdo xanuun dareemaa   wax daawo ahne iima qorin scan labaad oo ay igu celiyeene waxay ii sheegen in uu yaraaday oo aan soo fiicnaanoyo ALxamdulilah   marka maxay kula tahay in ay keeno cudurkas  maxaase daawada u ah maxaase igula talin laheed waxan rajeynaa intuu ILAHAY kaa baray aad naago sheegi doontit insha ALLAH  su ashane waan dheereyay iga raali ahaada  waad mahadsantihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Goitre Thyroid Swelling?
« Reply #1 on: July 29, 2011, 07:41:43 PM »
Goiter waa qanjirka toroodhka oo bararo waxaana keeno waxyaalo badan oo lagu ogaan karo baaritaan.
Haddii qanjirka shaqadiisa ay yaraato wuu bararaa, haddii ay shaqadiisa badatane wuu bararaa sidaa dartee nooca aad qabto waxaa lagu ogaadaa baritaan xagga dhiigga ah.

Labadaba nooc iyo farqigooda waxaan uga hadal su'aal hore oo halkaan aad ka akhrisan karto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3273.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: ma waxaa fiican in la qalo thyroid-ka mise in la daaweeyo?

Started by SulekhaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14780
Last post May 02, 2015, 01:34:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Thyroid ma u baahanay in layga saaro mise?

Started by Abdi DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9515
Last post December 08, 2009, 11:20:23 AM
by SomaliDoc
Howlgabka Qanjirka Dhuunta ee Thyroid (Hypothyroidism)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 159709
Last post January 14, 2021, 11:24:31 AM
by Milica_soomali
Su'aal: Waa maxay Thyroid? Hypothyroidism? Thyrotoxicosis?

Started by Somali_NabadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 13547
Last post April 08, 2011, 10:11:24 AM
by Somali_Nabad
Su'aal: Waa maxay shaqada thyroid gland?

Started by Siciid IsseBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7824
Last post May 02, 2015, 01:24:26 PM
by SomaliDoc