Diseases and Conditions > Cudurrada Qaliinka

Qaliinkii Cajiibka Ahaa oo Maryam Lagu Badbaadiyay

(1/1)

Admin:
Kani waa professor thomas oo sameeyay qaliinkii ugu horeeyay oo noociisa oo kale aan wali la sameynin, dhakhtarkan waxa uu qalay cunugta yar uu hayo oo la yiraahdo maryamo iyadoo ku jirto caloosha hooyadeed, qaliinkaan oo dhakhaatiirta magac ahaan u bixiyeen "Womb Surgery".

Maryamo hada waxa ay jirtaa 1 sano, wax dhibaato ah ay ka sheeganeyso ma jiraan, mushkilada maryamo waxa ay bilaabatay hooyadeed oo uurka ku sido muddo 27 usbuuc ah ayaa biyaha dilaaceen, taasi oo keentay hadii si dagdag ah lagu badbaadin waayo xaalada ay ku sugneed maryamo, inay u dhimato sanbabaha oo joojiyay koriinka awgeed.

Qaliinkan oo loo adeegsaday qalabo casri ah oo caaradiisa ka yar qalinka ayaa hooyada caloosheeda laga dhax bixiyay ilaa ay ka gaartay sanbabada maryam, taasoo laga fiirsanayo shaashado soo bandhigaya waxa gudaha ka socdo kuna xariirsan camerooyin aad u yar yar oo maryam afka laga galiyay ilaa ay ka tagtay sanbabada!!!.
Dr.Mahdi

Navigation

[0] Message Index

Go to full version