Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Maxaa ugu muhiimsan oo u qaadan karaa cudurka Hepatitis B?
(1/1)
Nuur12:
waad salaamantihiin dhamaantiin dhaqaatiirta sida hagarlaanta ah
ugu taba rucaya walaalohooda soomaaliyeed waxaan qabaa su aal taa oo ah
beer xanuun oo ah qabta hepats (b) waxaa kicinaya subaga baruurta dufanka
maxaa ugu mihiimsan oo aan u qaadan karaa dawo mase jirtaa dawo lagu guuriyo
ama lagu tirtiro
waad mahad santihiin
SomaliDoc:
Cudurka Cagaarshowga hadduu cusub yahay badanaa wax daawo ah uma baahna maadaama uu calamadihiisa ay iska baab'aan markii laga reebo dad yar oo loo qoro daawooyin waa haddii ay ka soo muuqdaan calaamado daran oo ka baxsan calaamadihii lagu yaqaannay cudurka sida matagga, bog xanuunka, cunno xumida iyo miisaanka oo dhaca.
Inkastoo aysan jirin daawo cudurkaan lagu daaweeyo laakiin waxaa jiro dhowr daawo oo loo qoro dadka cudurka uu ku raagay, daawooyinkaas oo howshoodu tahay in taranka fayraska ay yareeyaan si looga badbaadiyo in beerkoodu uu dhaawac gaaro kadibna uu hawlgab ku dhaco.
Daawooyinkaan waxay leeyihiin waxyeello badan oo takhtar la'aan lama qaato.
BARO CUDURKA CAGAARSHOWGA B (HEPATITIS B): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html
Navigation
[0] Message Index
Go to full version