General Discussions > Feel Free Here

Su'aalaha Bisha Ramadaan

<< < (6/14) > >>

Dr.Habiib:
waad ku mahadsantahay Siciido  sida wanaagsan isugu dayday jawaabta.
hadaba jawaabta oo sax waa :
 jawaabta 12:
 wax illaah u waxyooday oo aan ahayn insi , jinni iyo malaa`ik midna waa: shinnida malabka samaysa ama af carabiga loo yagaan ( naxli)
waxay  ku soo aroortay suuratu al-naxli aayada 68.

Dr.Habiib:

su`aasha 13:
  waxaad sheegta magacyada laba nabi oo walaal ah oo isku mar qoomkoodi loo soo diray?

Mukhtaare:
waxaa uu nabiga (nabad galiya iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee)  quraanka kusoo dageyey 23 sano

Dr.Habiib:

jawaabta oo sax waa :

jawaabta 13:
 labada nabi isku mar loo diray qoomkooda waa:
1. nabi muuse nabad galiya korkiisa ha ahaate.
2. nabi haaaruun  nabad galiya korkiisa ha ahaate.

si aad wax badan oga ogaata aqriya ayaadahaan.
   suuratu ( dhaahaa) ayaadaha 41 ila aayada 51.
   suuratu (shucaraa) aayadaha 9 ilaa aayada 16
  suutatu (qasas) aayadaha 29 ilaa 35.

Dr.Habiib:

SU`AASHA 14:
 mas`ala dhaxal:
 qof dumar ayaa geeriyootay adduunka ooga tagay: ninkeedi(zowjkeedi), hooya(umi), iyo adeer aaba la dhashay(cama shaqiiq) waxay hanti ahaan ifka ooga tagtay 300 Gram oo dahab ah.

 Hadaba sheeg sida ay dadkaas wax u kala dhaxlayaan iyo qof walbo waxa uu helay?

FG:
Ha ku degdegin jawaabta haddad cilmiga dhaxalka aad si fiican u aqoonin.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version