General Discussions > Feel Free Here
Su'aalaha Bisha Ramadaan
Dr.Habiib:
su`aasha 18:
dadka muslimiinta ah meel walbo ay joogaan waxay u tukadaan jihada ay ka jirta kacbada.
haddaba waxaad sheegta labada nabi (cs) ee ugu horeysay ee dhisa kacbada (al-kacba al- musharafah).
Sadia:
Waa nabi ibraahim iyo nabi ismaacil
Dr.Habiib:
waad ku mahadsan tahay Sadia sida wanaagsan ood uga jawaabtay su`aasha.
jawaabta waa sax.
Dr.Habiib:
su`aasha 19:
sidaan aan wada ognahay kadib marki uu nabiga ( nadab galiya korkiisa ha ahaate) geeriyooday khilaafada waxaa qabtay abuubakar sadiiq(rc) waxaa ku xigsaday cumar bin khadhaab(rc) waxaa ku sii xigsaday cismaan bin cafaaan(rc) waxaa ku sii xigsaday cali bin abii dhaalin(rc).
afartaas khaliif waxaa loo yaqaanaa ( khulafaa`u rashidiin).
haddaba waxaa sheegtaa khaliiffka shanaad ee kutubta taarikhda islamka ay ku tiriyaan in uu yahay khaliifka shanaad ee khulafaa`u rashidiin (khaamis khulafaa`u rashidiin).
Dr.Habiib:
jawaabta 19:
khaliifka lagu tiray in uu yahay khaliifka shanaad ee khulaafa`u rashidiin (khaamis khulafaa`u rashidiin) waa:
cumar bin cabdi caziiz (alla ha u naxariista).
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
[*] Previous page
Go to full version