General Discussions > Feel Free Here

Su'aalaha Bisha Ramadaan

<< < (13/14) > >>

Dr.Habiib:

su`aasha 27:
Cilmiga aduunka marwalba wax cusub ayuu gaaray in bin-aadanka ogaada.
Inta badan marka sharciyada la qaadanaya ama danbe la baaray waxaa dadka laga qaada fara oo la sawiro taas oo la ogaaday in uu ilaah qofwalbo fara gooni ah siiyay cidna ay ku qaldami Karin.

haddaba arintaas (faraha dadka in ay isku mid ahayn) quraanka ayaa lagu sheegay 1432 sana ka hor .
sheeg  suurada ay ku soo aroortay iyo aayada raqamkeeda.

Dr.Habiib:

jawaabta 27:
suurada ay ku soo aroortay waa suuratu qiyaamah aayada 4.

Dr.Habiib:

su`aasha 28:
waxaad sheegta magaca saxaabiyad (waa qof haween ah oo asaxabadii nabiga ka mid ah ) oo awowgeed , aabiheed iyo  ninkeeda iyo wiilkeeda inta ay ahayeen asxaabti nabiga (scws).

Dr.Habiib:

jawaabta 28:
 magaca saxaabiyaada waa :
asmaa binta abii bakar.
 aabaheed waa: abuubakar sadiiq (rc)
awawgeed waa : abuu qaxaafah.(rc).
ninkeedana waa : zubeyr bin al-cawaam.(rc)
wiilkeedana waa : cabdulaahi bin zubeyr (rc).

dhamaantoodna waxaay ahayeen asxabtii nabiga (scws)

Dr.Habiib:

su`aasha 29:
waxaad sheegta magaca suurad quraan ka mid oo dhiganta qur`aanka 1/3 (quraanka thuluthkiis).

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version