Author Topic: Iska Hubi In Aad Qabto Dhibaatada Borostaatada!  (Read 63534 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Iska Hubi In Aad Qabto Dhibaatada Borostaatada!
« on: March 07, 2011, 07:04:22 PM »

WAA MAXAY QANJIRKA PROSTAYTKA?
Prostate ku waa qanjir uu ragga oo kaliya leeyahay. Wuxuu qiyaastii xajmigiisu le?eeg yahay looska wuxuuna ku fadhiyaa xagga hoosa ee kaadiheysta; oo ku wareegsan ibta (urethra). Prostate ku wuxuu sameeyaa dheecaan caanno oo kale ah, taas oo qayb ka ahi noqoto shahwada waxayna quudisaa biyaha ninka.
Isla marka raggu gaboobo, qanjirka prostate ka ayaa weynaada. Tani waxay dhacdaa sanno badan ragga qaarkiisna tani waxay sababi kartaa dhibaatooyinka kaadiheysta.
Kontoroolka xun ee kaadiheysta wuxuu sidoo kale dhici karaa arimo caafimaad oo kale awgood. Ragga leh kontoroolka xun ee kaadiheysta waxay noqon karaan kuwa ka xumaada uu yaxyax geliyo dhibkaani. Haddii aad qabto isbedelo ku yimaada kontoroolka kaadiheystaada, ama aad saluugsan tahay wax ku saabsan qanjirka prostate, la hadal dhakhtarkaaga ama la talliyahaaga kaadi ceshad la?aanta.

WAA MAXAY QAAR KA MID AH DHIBAATOOYINKA CAAMKA AH EE PROSTATE KA?
1 Prostatitis ku waa barrarka iyo xannuunka qanjirka prostate ka waxaana laga yaabaa inuu yahay sababtoo ah infekshinka kaadiheysta. Aad iyo ugu badan yahay ragga dhalinta yar.
2 Prostatic Hyperplasia aan dhib lahayn (BPH) waa marka prostate ku uu si tartiib ah u balaarto, badanaa bilowga da?da dhexe. Qiyaastii hal afartii nin waxay u baahan doonaan qaliin loogu talagalay dhibkaan (BPH ma keeno kansar).
3. Kansarka Prostate ka waxaa badanaa la helaa ka hor intaadan helin wax calaamado digniin ah. Waxaa laga yaabaa inuu dhakhtarkaagu ku helo baaritaanka dhiiga (ee loogu yeero PSA) oo uu jeegareeyo prostate kaaga. Waa kansarka ugu caamsan ee ragga, waxaana laga yaabaa inuu kugu dhaco markaad sii weynaataba. Si kastaba ha ahaatee waa mid ka mid ah kansarada la daaweeyo.

SIDEE BAAN KU OGAANAYAA INAAN QABO DHIBAATADA PROSTATE KA?
Haddii aad qabto mid ama wax ka badan oo arimahaan ah, waxaa laga yaabaa inaad qabto dhibaatada prostate ka:
-Dhibka ah bilaabida kaadida;
-Socodka kaadida oo gaabinaya mar haddii aad bilowdo;
-U baahnaanta inaad kaadido marmar badan maalintii ama habeenkii;
-Ka daadashada kaadida ka dib markaad kaadido, ama inta u dhaxeysa wakhtiyadaad musqusha tagto;
-U baahnida inaad mar labaad kaadido isla markiiba markaad musqusha ka soo baxday;
-Dareemida rabitaan aad ah oo ah inaad kaadiso;
-Gubashada ama xannuunka markaad kaadshayso;
-Kaadida oo dhiig ku jiro; iyo
-Dareemida inaan kaadiheystu aysan si buuxda u fuuruqin ka dib markaad musqusha tagto.
-Dhibaatooyinkan qaarkood waxaa laga yaabaa inaysan noqon prostate ka awgii. Tusaale, daawooyinka qaarkood ayaa laga yaabaa inay sababaan in kaadiheystu keydiso kaadi. Dhakhtarkaaga ama la talliyaha ceshadka kaadida ayaa kaa caawin kara inaad hesho waxa sababaya dhibkaaga.

SIDEE BUU U SABABI KARAA DHIBAATOOYINKAYGA KAADIHEYSTU PROSTATE KAYGU?
Daboolida urethra (tuunbada kaadida):Isla marka prostate ku uu balaartaba, waxaa laga yaabaa inuu xiro kaadiheysta oo uu ka joojiyo kaadiheystu inay faaruqdo. Xaaladaha qaarkood, kaadida waxaa laga yaabaa in la keydiyo ilaa ay bilowdo inay daadato. Haddii tani dhacdo, isla markiiba dhakhtar arag.
Kaadiheysta firfircoonida saa?iidka leh waxaa sababi kara kaadiheysta oo si xad dhaaf ah u shaqeysa si ay u dhaafto meel xiran. Kaadiheysta firfircoonida saa?iidka leh way isdhuujin kartaa kontoroolkaaga la?aantiis, iyadoo sababeysa baahi degdeg ah oo ah inaad kaadido. Qaliinka ka dib si loo debciyo meeshaan xiran waxaa laga yaabaa inaad weli leedahay rabitaan degdeg ah si aad u kaadido, waxaana laga yaabaa inay sii xumaato dhawr toddobaad ka dib, ilaa ay kaadiheystu caadi ku noqoto.
Qaliinka dhibaatooyinka prostate waxay wax yeeli karaan muruqyada iyo neerfayaasha dusha kaadiheysta xaallado yar gudahood. Tani waxay sababi kartaa kontoroolka xun ee kaadiheysta. Haddii ay dhacdo had iyo jeer waa wax wakhti gaaban qaata, inkastoo qaliinka weyn ee kansarka prostate ka uu keeni karo dhibaatooyinka kontoroolka kaadida oo wakhti dheer qaata.

SIDEE BAA LOO DAAWEYN KARAA KAADIHEYSTA KONTOROOLKA XUN?
Marka koowaad, dhakhtarkaaga ama la taliyaha ceshadka kaadida ayaa dooni doona inuu raadiyo waxyaalaha sababay kontoroolka xun ee kaadiheysta, sida cudurka prostate, infekshinka, sonkorta ama waxoogaa daawooyin ah.
Waxaa jira siyaalo yar oo kaadiheysta kontoroolka xun cudurka prostate ka awgiis waa la daaweyn karaa.
1. Dhakhtarkaaga ka jeegaree
Ka dib markaad la hadashay dhakhtarkaaga, waxaa laga yaabaa inaad dareento inaadan u bbaahneyn wax daaweyn ah. Kontoroolka xun ee kaadiheysta wuxuu ku fiicnaan karaa wakhti ka dib, ama isbedelo sahlan oo lagu sameeyey caadda maalmeedkaaga.
2. Daawooyinka
Waxaa jira tiro daawooyin ah oo kaa caawin kara kontoroolka kaadiheysta. Weydii dhakhtarkaaga wax kuwan ku saabsan.
3. Qaliinka Prostate
Haddii prostate kaagu uu dhibka yahay, ka dib qaliin ayaa kaa goyn kara dhammaan ama qaybta qanjirka.
Nooca qaliinku wuxuu ku xirnaan doonaa xajmiga qanjirka prostate ka.
4. Tababarka Kaadiheysta
Barnaamijka tababarka kaadiheysta wuxuu caawin karaa kaadiheysta inuu hayo kaadi badan isagoon daadin ama dareen degdeg ah la iman, xitaa kuwa leh kaadiheysta firfircoonida badan.
5. Tababarka Muruqa Sagxada Miskaha
Tababarka muruqa sagxada miskuhu wuxuu dhisayaa muruqyada kontoroola sida u wanaagsan ee ay u shaqeyso kaadiheysta iyo caloosha. Barro sidii aad u tababari lahayd muruqyadaada ka hor qaliinka una bilow sida ugu dhakhsaha badan qaliinka ka dib.
6. Alaabta ceshadka Kaadida
Waxaa jira alaab badan oo kala duwan ee ceshadka kaadiheysta si ay kaaga caawiso la qabsiga daadashada kaadida.
Hubi inaad in ku filan laqaano wax ku saabsan waxa dhibku yahay, iyo daawooyinka la heli karo , sida ugu wanaagsan ee ay u shaqeeyaan iyo waxa khaldami kara, si aad u doorato daaweynta kuugu fiican iyadoo dhakhtarkaagu ku caawinayo.

Dhibaatada kontoroolka kaadiheysta ama caloosha - waxba ma leh inta yaraanteedu tahay ? waxay u baahan tahay taxadar in la siiyo.
Haddii aad qabto wax su?aalo ah oo ku saabsan prostate ama kontoroolka kaadiheysta, Halkaan ku weydii.


http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: maxa sababa kasoo baxa iska so daba noqda markuu raysto mid?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17721
Last post November 01, 2011, 12:06:51 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa Maxay Dhibaata Ay Keeni Karto Iska Joojinta Cunta Ay Sonkorto Ku Jir

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12110
Last post November 10, 2012, 03:35:58 PM
by SomaliDoc
FILIN: ISKA ILAALI CUDURKA IBOOLA (DANGERS OF EBOLA)

Started by AdminBoard Topics in Healthcare

Replies: 1
Views: 19838
Last post October 19, 2014, 09:59:09 AM
by Admin
Iska Ilaali Khatarta Malabkaan (Etumax Royal Honey)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 27586
Last post May 30, 2015, 10:06:06 PM
by Hamse Mohamed
Su'aal: markaan umulo kadib caloosha ma iska xiri karaa?

Started by Deko Ali OmarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10575
Last post May 20, 2016, 09:13:11 PM
by SomaliDoc