Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

<< < (2/2)

Ummu Hafsa Och Hanan:
asc dhamaan dhaqaatiirta soomaaliyeed waan salaamayaa ilaahna abaal wayn ha idinka siiyo aqoonta aad noogu faa iideeseen insha alaah waxaana qabaa su aal .indhaha markay daciifaan oo si fiican aan wax ugu arkayn maxaan ku daaweyn karaa muraayada indhana aan ahayn wax kale oo cunto ma iga kaalmayn karaan sida kaaroodka

SomaliDoc:
Cilmi baarayaasha waxay sheegeen in maadooyinka qaar ee nafaqada leh ay yareeyaan qatarta cudurka caadka indhaha fuula ee loo yaqaanno cataract. iyo in ay baaba'aan qeybta aragga indhaha.

Canaasiirta qaar oo khaaska sida fitamiin A wuxuu indhaha ka ilaaliyaa in ay aragga lumiyaan meesha fitamiin C uu ka hortago in gulukomada ay ka sii darto.

Dufanka loo yaqaanno Omega-3 isagane wuxuu indhaha ka illaaliyaa cudurka loo yaqaanno indho-qalleelka iyo wuxuu ka hortagaa in ay baaba'do qeybta aragga ee indhaha.

Maadooyinka faaidada u leh indhaha in cunnada laga helana waa sidatan:

1- Beta-carotene: karootada iyo bataati macaanka.

2- Bioflavonoids: shaaha, liin macaants

3- Omega-3: Kalluunka, Saliidda kalluunka iyo lowska.

4- Selenium: Cunnooyinka badda sida aargoosatada iyo bariiska borownka ah.

5- Vitamin A: karootada, beerka doorada ukunta, caanaha iyo subagga.

6- Vitamin C: Ananaaska, oronjada iyo liinta.

7- Vitamin D: caanaha iyo kalluunka salmon iyo sardines.

8- Vitamin E: saliidda geedka gabaldayaha.

9- Zinc: hilibka lo'da, hilibka turkiga iyo qubada.

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version