Diseases and Conditions > Cudurrada Guud

Saxaro Adayg iyo Calool Fadhi (Constipation)

(1/1)

SomaliDoc:
Caloosha oo fadhido ama saxarada oo adag waa dhibaatada ugu wayn ee keento cillado badan oo ay ka mid tahay Baabasiirka.

Waa maxay saxaro-adayg?
Saxaro adayg ama Calool-fadhi waxaa loola jeedaa saxaro aad u adag ama in qofku si sahlan u saxaroon karin. 
Saxaro-adaygga waa cillad da' kasta ku dhacdo, inkastoo lagu kala duwan yahay laakiin qof aysan soo marin way yartahay.
 
Waxaa sidoo kale laga yaabaa:

* In aad u baahato in aad iska soo riixdo
* Aad dareento in ay saxaradu kaa soo dhammaannin
* Aad qabtid casiraad, xanuun, dibbiro ama lalabbo
Qof kasta wuu ka duwan qofka kale, laakiin dadka badankoodu waxay saxaroodaan inta u dhexeysa 3 goor maalintii ilaa 3 goor toddobaadkii. Ilaa iyo inta saxaradu ay jilicsan tahay ayna fududdahay in ay soo gudubto, markaas saxaradu kuma adka. 
Saxaro-adaygga dadka qaar muddo kooban ayay haysaa, dad kalane dhib ayay ku heysaa muddo dheer.
 
Waa maxay asbaabta saxaro adayga keento?

* Cunto uu ku sarreeyo dufanka iyo sonkorto ama uu ku yar yahay buunshuhu
* Aadan cabbin cabitaanno kugu filan
* Aad noqoto qof aan fir-fircooneyn
* Aadan aadin musqusha marka ay saxaro ku qabato ama aad musqusha u baahan tahay
* Aad isticmaasho daawooyinka qaarkood oo saxarad adkeeyo
* Aad joogteyso isticmaalidda daawooyinka caloosha jilciya
* Haddii aad xanuunka niyad jabka ama diiqada aad qabtid
* Caruurta haddii ay ka cabsadaan musqusha ama isticmaalkeeda dhib ku yahay waxaa ku dhaca Saxaro-adayg


Sidee looga hortagaa saxaro adayga?

* Cab ugu yaraan 8-10 koob oo cabitaanno maalin kasta. Cabitaanno diirran ama kulul ayaa laga yaabaa in ay kaa caawiyaan in saxaradu ay si fudud kaaga timaaddo.
* Cun cuntooyin ay buunshuhu ku sarreeyaan sida siiriyaalka buunshaha leh, rootiyada miraha isu dhan ka sameysan, khudradda aan la karin, furutooyin cusub ama kuwo la engejiyey, looska iyo daangada. Buunshuhu wuxuu caawiyaa in saxaradu si fudud jidhkaaga u soo marto.
* Waxaa laga yaabaa in aad dooneysid in aad xaddiddo farmaajooyinka, shukulaatooyinka iyo ukunta maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in ay sii xumeeyaan saxaro adayga.
* Cun tufaaxa si ay kaaga caawiyaan saxaro jilcan.
* Jir dhis samee si uu kaaga caawiyo in saxaradu si fudud kaaga timaaddo. Socodka si fiican ayuu wax uga taraa.
* Musqusha aad marka ay saxaro ku qabato si ay kuu dhaafto.
* Takhtarkaaga kala hadal ka hor inta aadan isticmaalin wax daawooyin caloosha jilciya oo farmashiga laga soo iibsado. Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu kuu soo jeediyo saxaro jilciye ama calool jilciye habboon. Haddii aadan ka helin daawada natiijooyinkii aad dooneysay, takhtarkaaga la xiriir.
Waa maxay dhibaatooyinka Saxaro-adaygga ay keenaan?

* Cudurka Baabasiirka: Ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html
* Saxarada in ay mindhicirrada xirto oo qabsin isku badasho.
* In neerfaha kontroola saxarada uu dhaawac gaaro oo qofku saxarada ceshan kari waayo.
* Jiirashada waxay keeni kartaa xanuunka futo-dillaaca: Ka akhriso halkaan waxa uu yahayTalo:
Si dabiici ah u jilci calooshaada inta aadan daawo raadsanin adigoo raaca tillaabooyinka kor ku xusan, daawada waa xal ku meel gaar ah, haddii aad joogteysane iyadaa dhib kale kuu keenayso.
Haddii aad su'aalo dheeraad ah aad qabtid waad na soo waydiin kartaa
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version