Author Topic: Su'aal: Xanun lagaran waayay?  (Read 6518 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mutalib

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Xanun lagaran waayay?
« on: July 31, 2011, 08:46:07 PM »
AC. walal aad ayaad umahad santihiin hawl muhiim ah ayaad heysiin jasakumu laahu qeyr.
walal mudo ayaan xanun sanaa hadana waa uu igu fiday oo meelo badan ayaa ixanunaya hadii aan soo koobo 1994 ayaan waxaan daremay haben caga kuleyl inyar kadibna madax xanun hadana duhur kii ayan meel wax kabaran jirey kaadidii ayaa igubtay dhawr sano kadib waxaan helay dib udajin america ah waxay iga heleen Syphilis iyo H-pylori intaba dawo ayaan uqaatay lakiin xanun kii waa uu siibadanayay ilaa hada dhaqaatiir badana waan booqdey calaamadaha xanunkeyga hadii aan wax ka sheego
1 caga kuleyl
2 kaadi gubid
3 madax xanun
4 xaninyo xanun
5 wadna xanun
6 dhabar xanun
7 kor cun cun
8 kor kuleyl
walal waxaan jeclaan lahaa in aad icaawisan waxii talo iyo tusaale ha waad mahad san tihii





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanun lagaran waayay?
« Reply #1 on: August 08, 2011, 08:31:14 PM »
Walaal waxaad ka cabanaysaa calaamado dhowr ah oo kala duwan oo ay keeni karaan cudurro badan sidaa awgeed haddii aad noo sheegi kartid baritaannadii aad samaysan iyo jawaabihii ka soo baxay way fiicnaan laheyd.

Lakiin haddii calaamadahaaga aan dhinac siku raacsiiyo waxay noqon karaan laba cudur oo kala ah gaas  calooleed iyo infakshan kaadi mareenka ama caabuq qanjirka ragga ah.

kor kuleyl, bog xanuun,caga hur, dibbiro ama daaco  badan haddii aad leedahay, laabjeex kuwaasi waaa calaamado gaastiriko ama nabar gaas calooleed.

Kaadida oo ku gubto, xaniinta oo ku xanuunta, ama mid ka mid ah oo yaraatay, dhabar xanuun, qas xanuun waxay calaamad u noqon kartaa caabuq kaadi mareenka ah, caabuq qanjirka borostaytka ama caabuq xaniinyaha ah.

Si aad faahfaahin dheeraad ah uga heshid cudurradaas aan kor ku xusay una fahantid waxa ku hayo bogga ka akhriso cudurradaas oo tafatiran ama baaritaannadii aad sameysay ama warbixin ku saabsan wixii aad takhaatiirta isla marteen noo soo gudbi.

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxan isku arkay NEERFO xanun 2013?

Started by Liiban HassanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5207
Last post March 02, 2016, 01:53:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa ihaya mudo sano ku dhaw xanun?

Started by MaxameddeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4408
Last post January 16, 2017, 01:48:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Xanun Ka Dareemaa Xudunka Hoosteeda?

Started by Altastar10Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4526
Last post March 03, 2016, 02:10:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cunto ma qaadan karo bog xanun labolabo?

Started by AmranqaaaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4187
Last post April 26, 2016, 05:02:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanun badan oo ah wareega xundhurta hoosteeda?

Started by Zamzam AbdirrahmanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4100
Last post July 28, 2016, 04:04:40 PM
by SomaliDoc