Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?
(1/1)
CilmiSabca:
Asc dhamaantiin aqyaarta Sharafta leh iyo Dhaqaatiirta aan laga maarmin, Ramadaan Kariim. Intaas ka dib.
Doctor,
Marka ay caruurtu jiifaan (children over two years) waxa dhacda in qaarkood ay isku kaajaan Maalin & Habeen goorey ahaata-ba, caruurta qaar sabab ayey iskugu kaajaan sida cabitaan badan oy soo cabeen jiifka ka hor ama cabsi ay wax ka cabsadaan, dhaxan jirta IWM, Halka caruurta qaarkoodna ay dhaqan u noqotay inay isku kaajaan, marka Doctor, caruurta dhaqanka ka dhigtay isku kaadinta ma waxa jirta sabab caafimaad (Health dis order) oo u sabab ah isku kaadintooda, ma la odhan karaa isku kaadintu waa hiddo raac (gender)? Ma se ay jirtaa daawo lagu xakameyn karo dhibaatadaan? Maxaa ka jira odhaahda ah "Haddii Diinka dushiisa (Tortoise) 3-jeer cunugga isku kaajaa laga tal talaabsiiyo, in uu isku kaadinta joojin nahayo?!" Diinka dushiisa ma daawaa?!
Mahadsanidiin.
Wa Bil Laahi Towfiiq.
SomaliDoc:
qoraalkaan ku saabsan isku kaadinta caruurta, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,447.0.html
fikradda in diin laga tillaabiyo caruurta waa quraafaat ay aaminsanyihiin dadka qaar waxna kama jiraan.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version