Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: faahfaahin baadhitaan dhiig?
Cabdidheeere:
asc walaalaha dhaqaadiita ahow waan idin salaamay salaan kadib walal caloosha ayan ka xanuun sadaa mar dr waxuu idiray baadhitaan dhiig mar natijadii sidan ayey soo qoreen marka inaad ii sharaxdaan ayan rabaa walal
-c reactive proteine ( in mg/1) ............... 12 n: <6
-transaminases sgot (asat, en MUI/ml à (37°).. 48 n; <37
-transaminases SGPT (alat, en MUI/ml à ( 37°) .... 57 N:<40
walalayaal isoo faah faahiya normalka iyo marka uusan normalka ahayn aad ayad u mahadsantihin walalaha qaaliga ah
SomaliDoc:
Marka uu normalka yahay wuxuu ku qoranyahay su'aashaada hore.
Eeg tirada ka dambeysa xarafka "N" oo u dhiganta Normal.
Cabdidheeere:
asc mahadsalid dr maxuu sheegayaa hadii dhiiga kuuu san normal ahayn gas iyo calool xanuun ayaan qabaa marka maka tur jumayaa sare u ka caasi maxaase lagu dajin karaa si normalkiisa uuu unoqdo asc
SomaliDoc:
baaritaannadaan waxay ka tarjumi karaan markii beerka uu xanuun saameeyay maadaama ay yihiin dheecaan kiimikeed oo sare u kacaan markii beerka xanuunsanyahay.
Gaas ama calool xanuun kaliya ma kiciyaan baaritaannadaas.
Fadlan hubi in baaritaanka uu yahay mid saxan, hadduu saxsan yahayne la tasho takhtarkii kuu diray sida loo ogaado waxa uu kaaga shakiyay marka horaba.
waxaa lagu dajin karaa in la daaweeyo cilladii keentay, taasoo uu fahmi karo takhtarkaaga.
Mahadsanid
Cabdidheeere:
asc walaalaha drs ka ah qiimaha iyo sharafta leh walal baadhitaan labaad ayan ku noqdey oo wax yaabo badan ay iga baadheen dhiiga ah waxaa kamid ah sgot iyo sgpt oo horay aad iigu sharaxdeen kacsanaan markaas hadana waxaad hoos ayuu udhacey sidan tan ayuuna u qoran yahay walal maxaa umalayn haysaan iguu hoos udhigay wax daawo ahna maqaadan waa sidan
transaminases sgot (asat.en mui/ml à 37°) 26 n:37
transaminases sgpt (alat.en mui/à 37°) 21 N: 40
waxaa kale walal baadhitaanada kale oo aan fahmi w aayey waa sidan iyagana walal bal isheega hadii san normal ahayn iyo waxa keenikara ilaahya ha idin ka ajar siiyeee
cholesterol total (en g/1) ......1.27
_h.d.l cholesterol (eng/1) .....0.51
-L.D.L cholesterol (en g/1) 0.64
triglycerides (en g)1).......056 N: 150
neutrophils is 53 3.922/MM3
eosinophils 1 is 74 /MM3
Basophils is 0 0/mm3
lymphocytes is 39 2.886/mm3
monocytes is 7 518/mm3
fasting glucose 0.93 N;0.70-1.05
in millimoles 5.17
walaalayaal waa sidan baadhitaanka masoo wada qorin laakin waa inta aan isdhahay waxbaa lagaaga faa iideykaraan maadaama oo dr iidiray aan af garan haynin walalahaa ayaa kuu faa iidey doona ayaan isdhahay wax yaabaha la iga baadhayayna waxaa ka mid ahaa sonkorow marka walaal waxiii aan caadigiisa ahayn iisoo faah faah faahiya iyo waxa keeni kara mid kasta hadii normalkiisa uusan ahayn ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo garan maayo waxa aan idinku abaal gudno aad ayaan oogu diirsanay webkiina baarakalaahu fiikum asc
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version