Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: faahfaahin baadhitaan dhiig?
SomaliDoc:
Baaritaannada aad isku celisay oo hadana dabiici noqday waxaa keeni karo dhowr sabab: in xanuun aad u badnayn uu beerka kaa qabta hadane aad ka caafimaadday.
In aad horay u qaadanaysay daawooyin saameyn ku yeelan kara beerka oo hada joojisay. in baaritaankaba uusan sax ahayn ama in baaritaanka la sameeyay xilli beerka uu shaqo culus hayay tusaale ahaan adigoo soo cunay cunno dufan leh oo beerka shaqo wado markaasna ay kacsanyihiin dheecannadaas in baaritaankaan lagugu sameeyay.
Marka in aad welwesho maahan wax badan ayaa kicin kara dheecannadaan.
Midda kale baaritaannada hoose waa sadax nooc:
Afarta ugu korreysa waxaa la sameeyaa markii lagaaga shakisanyahay cudurka kolestaroolka si loo ogaado heerka ay marayaan dufannada kala gadisan oo jirkaaga soo saaro sida LDL, HDL iyo Triglyceride, wax dhib ahne kama muuqdaan. halkaan ka akhriso qoraal ka sheekeynayo cudurka kolestaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html
Shanta baaritaan ee ku xigta waxay sheegayaan heerka uu marayo unugyada difaaca jirkaaga ee kala duwan sida Neutrophil, Bashophil, Esinophil, Lymphocyte iyo Monocyte, iyagane waa dabiic oo wax dhib ah kama muuqdaan.
Baaritaanka sadaxaad ee ugu dambeeyo waa midka sonkorta oo isagane dabiic ah markii lagaa qaaday adigoo wax soo cunin.
Sidaa darteed baaritaannada aad soo qoray wax dhib weyn ma tilmaamayaan.
Allaha ku caafiyo.
Cabdulahi:
walaal aad iyo aad ayaad umahadsan tahay ilaahay ajar iyo xasanaad hakaasiiyo janadii fardowsana ilaahya hakaa waaraabiyo walaal dhinaca bidixda waa ixanuunaa mar marna waa iga tagaa marka hada baadhitaanka idenbaaya ee
transaminases sgot (asat.en mui/ml à 37°) 26 n:37
transaminases sgpt (alat.en mui/à 37°) 21 N: 40 sidan hada dabeeci miyaa mise wali waxbaa kujira yaransho, aah walal mahad sanid asc
SomaliDoc:
Baaritaannadaan waa dabiici ee welwelka iska yareey.
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version