Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Girls Masturbation?

(1/3) > >>

Natasha:
DR.SALAAN

salaan kadib dr.waxaa dhib iga heystaa dhinaca Masturbation ,waxaan aheyd gabadh jirta 17 sano markii an ahaa 14 sano ayaan bilaabey balwadan Masturbationka ah taas oo ay ibareen macalimintii iskulka balse hada markaan weynaadey waxaan o gadey waxan iney dambi tahey dhib badana waan kala kulmey inaan joojiyana waan jeclahey. dr. bal iga soo sheekee dhibatooyinka mustaqbalka aan kala kulmikara dhinacawalba adoo aad u mahadasan

aan kaga sheekeeyo dhibaatooyinka hada i heysta

1. diciifnimo
2.dhabanada oo madaw haar amaba dharbaan waxa layidhaahdo aan ku leyahey taas oo ad bal iga shekeyndoonto waxa sababa amaba aan ku daweynkaro
3.cadho farabadan
4.dadka oo anan la dhaqmi karin
5.inaan jeclaado kalinimada
6.kalyo xanuun
7.qanjo xanuun oo xitaa waan sarey qan jihii
plz dr,hada mustaqbalka waxa aan filan karo bal isoo sheeg si aan nafta u gu qanciyo inaan wacan daayo in badan waan lakulmey  dhakhaatiir gaalo ah balse waa caadi wax dhib ah malahan ayay leyin lakin man amiin
plz si weyn i caawi
mahadsanid
waan jeclaa inaan mesha su,aalaha ku post gareeyo su aasheydeyn balse waan garan waayeyey sida losoo galiyo plz hadii ay tahey inaan xagaa ku soo qoro isheeg amaba iso dir link igu tuurayaa si aan hadalkeyga meshaa public ah ugu soo daro

Cabdidheeere:
asc  natisha abaayo waan kusalamay waxaa kale oon salaamaya dhaqaatiirta  somaliyed   anoo  qaldan   inaan  ka hor dhaco jawaabta drs ka waxaan kugula talin lahaa inaa iska dhaafto koley dhibaatada ay leedahay  waxaa kasheekeyn doona drs  balse  ogow  rasuulkeena scw waxuu yiri  xadiis ka sugnaadey  waxaad labaqeyshaan waxaa oogu fiican shahwadiina yacni bilaash ha iskaga daadinina hada waxatahay gabar  da'yar  xusuuso  marka aad damacdo inaad sameyso in ilaahay ku arkaayo  kacabso caafimadka ilaah ayaa kusiiyey  xasanaadka badan samee sida salaada iyo soonka   abaayo  waxaad ku gudan kartaa si xalal ah ilaahay xalaal waydiiso  in lamaane  aad kahesho uu kusiiyo intii horena waxaa lagujiraa bil qeer leh ilaahay danbi dhaaf weydiiso  waa wax ay sameeyan dhalinta balse marka ay ogadan dhibka aduunka iyo aaqaraba uleedahay way iska dhafaan  adna sidaa ayan kuurajeyn hayaa  ilaaahy ha inoo danbi dhafo dhamaanteen aamin  iga raali noqda drs hadii aan la ogoleyn  in qof iska soo qoro qoraal aan loo ogoleyn  sharcigaas ma arag mahadsanidin dhaman asc

SomaliDoc:
Dhibaatooyinka ay keento caadadaan dumar iyo rag way ka simanyihiin.

Siigeysasho ama waxa loo yaqaanno "masturbation" waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo xubnihiisa taranka.

Caadeysiga siigeysashada waxay keentaa dhawr dhibaato oo caafimaad darro ah oo ay ka mid yihiin:
1- Daal iyo tabardarri joogto ah
2- Xanuun dhabarka qeybtiisa hoose ah
3- Timaha oo yaraadaan ama daataan
4- Kacsi la'aan iyo biyo-bax degdeg ah (Hawlgabka kacsiga ee dhalinta)
5- Aragga oo caad yeesho
6- Bisqinleyda iyo xiniinyaha oo xanuuna
7- Xanuun iyo casiraad laga dareemo moqor miskeedka iyo dabaqanaanta.
8- Qofku wuu ku walfi karaa oo dhib ayay hadhowdii ku noqoneysaa in uu iska gooyo caadadaan.
9- Wuxuu kaloo keenaa waxa loo yaqaano "Semen leakage" oo ah in biyuhu soo dareeraan iyadoo wax dareen kacsi ah uusan jirin.
10- Dhibaato nafsaani ah sida hilmaamidda iyo xifdin la'aanta.

Natasha:
DR.MAHADSANID  LAKIN ANIGA GABADH AYAAN AHEY OO WIIL MA IHI LAKIN WAXAD LA HADLEYSAA AYAAN U MALEYNAYAA RAGA EE ANIGA DUMAR AHAAN BAL IGA SO SHEEKEE FADLAN WAXAAN FILAN KARO MUSTAQBALKA MAHADSANID

SomaliDoc:
Inta aan ka ahayn midda 6-aad iyo 9-aad waa iskaga mid nimanka iyo ragga labadaba.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version