Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Qof hada ka hor TB laga daaweeyay?
(1/1)
Shaymaa:
walaalahayga dhakaatiirta ah wxaan waydiin lahaa:
DHAKHAATIIR QOF HADA KA HOR AY KU DHACDAY TUBERCALUASES
OO LAGA DAAWEEYAY INTII AY DAAWADU U SOCOTAY AYAA WAXA KU BILAWADAY KULAYL MAQAARKA KORE AH THORACIC KULAYLKU WAXUU UBADAN YAHAY XILIGA HABEENKII (HURDADA) QOFKAAN CUDURKII WAA KA DAWOOBAY (tb) LAAKKKIIN KULAYKII WAA KA TAGI LA' YAHAY.
SomaliDoc:
Kuleyl laga dareemo maqaarka kore ee saabka calaamad uma ahan cudurka qaaxada, sidaa darteed waxaad noo sheegtaa jawaabaha su'aalahaan hoose ku qoran:
1- Maqaarka wax is badal maa ka muuqdo sida midabka oo kale, nabro faruruc oo ka soo baxay?
2- Dareenka kore ee maqaarka ka waran wax is badal maa ku yimid sida in kabuubyo ama xatxato laga dareemo?
3- Daqnasho ama xanuun markii maqaarka la riixo maa jirto?
4- Wax daawo uu qaato qofkaan oo aan ahayn midda tb-da maa jira?
5- Qofkan da'diisu waa imisa? wax xanuun ah oo isku ogyahay miyaa jira sida sonkorta, dhiig-kar ama cudur xidada ku dhaca sida kolostaroolka?
Shaymaa:
su;aalahaas waa waa maya wuxuuna jiraa 37yrs dawo burukiito ayuu qaatay ..............
SomaliDoc:
bukaankan wuxuu u baahanayahay fiisito muuqaaleed iyo baaritaanno sidaa awgeed la xiriirsii takhtar.
mahadsanid
Navigation
[0] Message Index
Go to full version