Diseases and Conditions > Qaybta Wacyi Galinta
Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?
Mozil:
Asc all su'al la is ku mari wayey aa jawab wacan laka codsanaa inee kabixiyan doctoradeena Indhaha caadka fuula malabka malaku daaween karaa. Hebeenkii hal dhibic malaku dhibcinkaraa. Hadhoow se dhibaato miyee keeni kartaa?
CilmiSabca:
Way jirtaa in ay dadka qaarkood sheegaan ama ay aaminsan yihiin in Malabka indhaha lagu daaweeyo. Laakiin si rasmi ah arrintaan la iskugu ma raacsana. Waxaa jira Malab lagu sumoobi karo amaba sumoobay; sida Malabka warshadaysan iyo Malabka wadanka new Zealand oo la sheegay in uu sun yahay sababtoo ah dhirta iyo ubaxyada ay Shinidu dagto oo qaarkood sun ah.
#
Waxa kale oo la sheegaa in ka hor inta aan indhaha la marin Malabka in lagu daro xoogaa biyo ah ka dibna la kariyo, markii ay qaboobaanna in dhibic lagu dhibciyo isha bukta ama labadaba min hal dhibic, balse maadaama uu malabku yahay anti bakteeriya awood badan u leh suulinta bakteeriyada, haddana waxa aan caddeyn qiyaasta biyaha iyo malabka ee la isku darayo inta ay le'eg yihiin iyo muddada lagu isticmaalayo indhaha inta ay tahay.
#
Haddii ay jirto dhibaato dhinaca indhaha ah, fadlan la xidhiidh Dhakhtar ku taqasusay daaweynta cudurrada indhaha...
#
Indhaha waa xubno muhiim ah, sidaas darteed, kuma haboona in wax lagu tijaabiyo iyo wax la mid ah.
Habiib:
masha allah
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version