Diseases and Conditions > Cudurrada Qaliinka

Gabar leh 4 lugood iyo 4 gacmood!!!

(1/1)

MuslimDoc:
Waxaa maanta ka bilawday isbitaal lagu magacaabo "Sparsh Hospital" kuna yaalo wadanka India qaliin lagu sameynayo gabar 2 jir ah oo ku dhalatay 4 gacmood iyo 4 lugood.

Gabartani oo markii ay dhalatay laga bilaabay in lagu caabudo tuulada ay ku dhalatay maadaama ay jirto ilaahad ay hindidu aaminsantahay oo leh 4 gacmood, iyadane loogu magac daray.

Qaliinkaan oo ah qaliin halis ah, ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ilaa 30 dhakhtar waxa uu soconayaa muddo labo maalmood, maanta oo qeybtii ugu muhiimsaneed la sameeyay oo aheed in neerfaha iyo lafdhabarta lakala sooco.

Xaaladahaan oo kale ma badno laakiin waa wax dhaco oo loo yaqaano caafimaad ahaan "parasite twins" oo in ay hooyadu ay qaaday mataano laakin mid kamid ah uusan safiican okorin oo qeybtii kori waysay uu dhuuqay kana takhalusay jirka mataanka kale.

Gabadhaan waxa kale oo ay leedahay 4 kilyood, labo calool iyo 4 sanbab, tani oo ka dhigeyso hadii lagu guuleesto qaliinkii ugu caansanaa ee mataano lagu kala fujiyo.

Wixii ka soo cusboonaado gadaal ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.
MuslimDoc

MuslimDoc:
Dhakhaatiirtii oo ku guuleesatay qaliinkii shalay ilaa maanta socday oo lagu sameynayay gabadhii aan kor ku sheegnay.

Qaliinkaan oo kalifay 625,000 oo dollar ayaa waxa ka bixiyay cidan saboolka ah isbitaalka lagu sameeyay qaliinka.

Dhakhtarka hoogaaminayay dhakhaatiirta qaliinka ku jirtay oo sheegay inay gabadhan ay caadi noleshaada u wadan karto oo ay la mid tahay qof caadi ah, wax dhibaato ah ama dhaafo ah aysan soo gaarin.

Halkaan ka fiirso filinka laga duubay gabadhaan
MuslimDoc

Muna1:
لا حول ولا قوة الا لله
جزاك الله خيرا

Tuuney:
laa xowla walaa qowata ilaa bilaah.... ilaahaa mahad leh oo gabadha yar u fududeeya qaliinka... subxaana laah...

Navigation

[0] Message Index

Go to full version