Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Af uritaan (Afka oo hawo qadhmuun kasoo baxdo)?

(1/1)

Yareeya:
ASALAAMU CALAYKUM

Salaan qaali ah kadib dhamaan waxaan u mahad celinayaa dhakhaatiirta soomaaliyeed ee wakhtigooda qaaliga u huraya sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda.

Intaa kadib waxaan qabaa su aal su aashayduna waa.
Waxaan intii hada sanad ahayd isku arkay AFKA oo I URA ama afkayga oo hawo qarmuun ka soo baxdo. waxaan tagay dhakhtar aad ayuu ii baaray dhiigag ayuu iga qaaday ilkahayga ayuu ayuu fiirshay ciridka ayuu fiirshay wuxuu ii sheegay inaan u baahnahay inaan badiyo cadayga, markaa iyada ah waxaan cadayan jiray laba wakhti oo kali markaan soo tooso iyo markaan seexanayo, markaa uu dhakhtarku ifaray inaan cadayga badiyo oo aan cadaydo markasta oo aan cunto cuno kadib iyo markaan soo tooso iyo markaan seexanayaba,waxaango aan saday inaan xitaa cadaydo xili kasta oo aan salaad u wayso qaadanayo (yacnii 5 wakhtiba aan cadaydo) mudo markaan saas ku waday ayaan Duqayga waydii yay in AFKII I URAYAY I DAAYAY IYO INKALE waxuu ii sheegay inaan wali sidii ahay oo aana is badal yarna jirin cadayna ku daalay ku cadayday dawo, ilkahahaygi isuma dhawa oo cunto igama gasho, ciridka laga igama hayo oo afku ima dhiigo.

waxaan sameeyo ayaan garan la'ahay ee walaalayaa bal idinkaa u cilmi leh ee ila taliya

ASALAAMU CALAUKUN

SomaliDoc:
Waxaan rajaynayaa in aad ka faaideysan doontid qoraalkaan ka sheekeynaya "af-qurunka ama af-shiirka" http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html

Wixii su'aalo dheeraad ah oo aad qabtid qoraalkaan ka dib nala socodsii.

SomaliDoc

CilmiSabca:
?????? ?????.?? ?
lkn dhaqtar, hadduu qofku cuno Daango (Salool) ama Lows si uu af qurunka urka uga yareeyo, kuwaasi ma shaqeynayaan?

SomaliDoc:
daangada kama mid aha cunnada afka carfiya waxaa ka mid ah cunnada af-qurunka la dagaallamo:
Ananaaska, Tufaaxa, Liinta noocyadeeda kala duwan, Karootada, Caanaha garoorka, cunnooyinka fitamiin C-ga ku badan iyo Xanjada sokorta aan la hayn.

Waxaa kaloo jira geedo la ruugo oo af-qurunka lagula dagaallamo sida geedka nacnaaca (Mint)

Navigation

[0] Message Index

Go to full version