Author Topic: Su'aal: Enlarging penis?  (Read 10193 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kahiye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Enlarging penis?
« on: September 03, 2011, 01:15:51 PM »
Dear Doctors,,


   Waxaan ahay wiil dhalinyaro ah laakiin hal mid ayaan rabi lahaa inaan ogaado, daawooyinka lagu weyneeyo xubinta taranka wax dhiba oo future-ka ah ma ii keeni karaan ama qaliinada la qalo si loo weyneeyo maxay side effects yeelan karaan.

  Hadiise kuwaas laga tago ma jiraan waxyaalo kale oo dabiici ah oo lagu weyneyn karo oo aan caafimaad ahaan waxba ii dhibeynin. Sababtoo ah aad ayaan uga walwal qabaa xubinteyda oo xoogaa yar darteed.


 Fadlan jawaaabo deg ah qofkiii ra'yi fiican haayo. Mahadsaniddin kulligiin inta ra'yiga ka dhiiban doonta.




Offline Nuur12

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 49
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Enlarging penis?
« Reply #1 on: September 03, 2011, 08:59:06 PM »
marka hore waxaan raali gelin lahaa dhaqaatiirta maadaama aanay ka jawaabin su aashan sxbkayo dhaqaatiirta ku muu koobin ee rayigiina ka dhiibta buu yidhi ani waxaan kugula talin
lahaa dooz forte spary ama casanova weliba doozta yaa dayo badan maadaama ay dawadani tahy intranal use only aawadeed baan ugu deg degay in aan ka dhawaajiyo su aasha daqaatiirtana waan sugaynaa  ala mahad leh

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Enlarging penis?
« Reply #2 on: September 07, 2011, 10:17:17 PM »
Salaamu caleykum, ka bacdi. Sxb daawo ha u dhawaan, haddiise ay xubintaadu ka yar tahay 10cm la xidhiidh Doctorka hawlahaas ku taqasusay. Haddii ay xubintaadu tahay 20cm ama 25cm uma baahnid in aad ka dhigto 30cm ama 40cm IWM. Sxb waxaad sameyn kartaa leyliska kegelka loo yaqaano ee bal horta talada Somalidoctor aan sugno. NB: Ha qaadan talo uusan dhaqtar ku siinin. Anigana dhaqtar ma ahi, lkn tani waa ra'yiga aan qabo. Please excuse me. Thanks all.
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Enlarging penis?
« Reply #3 on: September 20, 2011, 02:50:19 PM »
Waxaa jira xayaysiinno iyo emailo tira badan oo lagu sheego in ay jiraan daawooyin, bamaatooyin ama qalab lagu dheereeyo xubinta taranka ragga taasoo dad badani ay ku sirmaan.

Caafimaad ahaan wax cad oo kusaabsan walxahaas loo xayaysiiyo in xubinta ay dheereeyaan ma jiraan, qaab dhismeedka xubintane wax dhici kara maahan.

Waxaa jira kaliya qalliin lagu sameeyo arrintaan taasoo seedaha xubinta ku haayo lafta bisqinleyda la jaro si xubinta horay ay ugu soo baxdo, tanina markay ugu badato waxay kordhisaa kaliya 2 cm, qalliin ahaanne waxaa laga dhaxli karaa dhibaato hor leh oo ay ka mid tahay kacsi la'aan sidaa awgeed wax la adeegsado maahan.

Waxaa kaloo la xayaysiiyaa in ay jimicsiga iyo jiidjiidista in ay dheeraayaan xubinta ragga taasina maahan mid cilmi ahaan la waafaqsanyahay.

Hadday xubita ragga ay ka yartahay 7 cm ayaa waxay noqonaysaa mid yar oo caafimaad ahaanne loo yaqaanno "Micropenis" taasina wax saamayn ah kuma lahan uureynta iyo dhalmo la'aanta toonaba.

Si qiyaasta saxda loo ogaado waa in uu takhtar kuu cabbiraa maxaayeelay cabbirka qaab loo sameeyo ayaa jira.

Halkaan ka akhriso talooyin dhameestiran: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5846.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Man has his penis amputated after deliberately overdosing on Viagra to........

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 17454
Last post September 25, 2013, 04:50:02 PM
by Drkheyre
Su'aal: Pearly penile penis?

Started by Muumin84Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 8116
Last post December 01, 2012, 10:29:39 AM
by Muumin84