Diseases and Conditions > Cudurrada Guud

Gaas / Gaastiriko (Gastritis) - Stomach or Peptic Ulcer

(1/3) > >>

SomaliDoc:


Gaaska waa xanuun badanaa somaalida aad uga sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, waxaana keena dhowr sabab oo kala ah:

# Daawooyinka qaarkood sida asprin-ka, antibiotics-ka qaar kamid ah iyo kuwa kalaba
# Aashitada caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun aashitada caloosha ku badiyay.
# Aalkolo cabbid
# Cunnada kuwa dhanaan ama dufanka badan leh ama babaaska leh ama khamiirka leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Qofka xanuunkaan qabo wuxuu dareemaa calaamad ka mid ah calaamadahaan oo kala ah:

# Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)
# Dibbiro iyo daaco (aaryo caloosha ku dhex wareegata oo marmar isku taagta oo qofka u dareemo in qodxo caloosha dhexdeeda looga mudayo, qofka markuu daacsado ama dhuuso wuu nafisayaa)
# Lalabbo ama matagid (Cuntada oo markaa aragto lalabo ku qabato khaas ahaan haddii dufan badan leedahay)
# Kuleel iyo Kor hur (Khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha)
# Af qallayl ama carabka oo dhabro yeesho (Waa calaamad ay badanaa ka cawdaan dadka gaaska muddada hayay)
# Hurdo xumo (Hurdada oo qofka ka qasan, qarow iyo naxitaan hurdada dhexdeeda khaas ahaan hadduu qof kaa kiciyo)
# Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feeraha ah maadaama hawada caloosha isku xirtay ay feeraha cadaadin karto).
# Laab jeex (qofka oo cuntada uu cuno ama biyo kulul ku soo gadoomaan, oo afka ka dareemo qaraar iyo dhanaan isla socdo)
# Warwareer (in miisaanka uu kaa lumayo markaa istaagtid ama jiifka aad ka soo fadhiisato, tani macnaheeda maahan in dhiig
yari ku hayso, gaaska wuu leeyahay calaamadaaan)

Qofka wuu wada dareemi karaa calaamadahaas mid ama labo ka mid ah, qofka hadduu gaas qabo waa in uu takhtar la xiriiraa, si loo daaweeyo, lana ogaado gaaska uu qabo nooca uu yahay.
Nabarka gaastirikada meesha uu uur ku jirta kaga yaallo waxay ku xiran tahay qaabka uu qofka calaamadaha kor ku xusan u dareemo, haddii gaajada ama dharagta u daran tahay, haddii xanuunka uu hal meel ku eg yahay ama caloosha ku baahsan yahay ama xanuunka uu dhabarka meesha bogga ku aadan uu ka qabanayo qofka.

Warbixintaas waxaa wax ku dhisi krara oo ogaan kara takhtar aqoon u leh cudurrada gaaska, ee haddii calaamadahaas aad isku aragtay la xiriir takhtar.
Xanuunka gaaska, qaar badan oo ka mid ah waxaa keena bakteeriyo loo yaqaano "Helicopacter Pylori", hadduu qofka jeermiskaan laga helo waa in daawada gaaska loogu daraa daawo antibiotic si loo dirlo bakteeriyada gaaska ku samayso caloosha.

Talooyin:
Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato, ka fogow cuntada suugada, waxyaabaha saliidda leh, canjeerada iyo wixii khamiir leh, dhandhanaanka, basbaaska, cambuulada iyo wixii gasacaysan
iyo wixii la shiilay oo idil
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharagta labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, sadaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkaan qabto).
# Xilliga aad jiifan rabo 3 illaa 4 saac ka hor cunto cun, iska ilaali in aad ku seexato calooshaada oo buuxdo, taasi waa helis, haddii aad xanuunkaan qabto, gaajada in aad ku seexato xitaa waa heli, haddii aad gaajo dareento marka aad jiifan rabto, waxaad
cabtaa caano aan dhanaan ahayn oo qabow, caanaha waxay yareeyaan aashitada caloosha waa daawo fiican.

Gaaska markuu qofka helis ku noqdo oo nabarro u yeelo, qofka wuxuu matagi karaa dhiig ama uu dhigi karaa saxaro dhiig ah, tani waa helis, inkastoo dadka qaar ay aaminsan yihiin markuu dhiig matago inuu caafimaadayo, tani maahan mid sax ah, waxaa dhici kara in qofka dhiig bax u dhinto haduu xidid caloosha ka furto oo nabarka qodo.

Fadlan isbitaal si degdeg ah u tag, haddii aad isku aragto dhiig saxarada la socdo (waxaadna ku ogaan kartaa saxaradaada oo madow noqoto, dhiig casaan ah ma arki doontid)

Maxaa ku badiyay cudurkaan Soomaalida?
Waa su'aal is weydiis mudan oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo, laakiin takhaatiirta waxay qiyaasaan badanaa waxyaabaha halista ku ah ama keeni kara xanuunkaan in aan u badan nahay.
Tusaale ahaan, cuntada aan cunno, qaabka aan u cunno, daawooyinka sida aan u isticmaalno, stresska iyo welwelka iyo nolol xumada heysata dadkeena badankood iyo wayaabo kale oo aan weli la ogaan in ay jiri karto way dhici kartaa.
Cilmibaarayaasha xiiseeya diraasaynta cudurkaan in ay noo faahfaahiyaan waxyaabaha ah arkeen haddii ay jiraan waan jeclaan lahayn.
Way jiraan qoraallo la daabacay oo ku saabsan tiro ahaan inta uu saameeyo cudrkaan ama u dhinto oo badanaa qiyaas lagu dhisay, laakiin mid tafatiran oo wax lagu dhisi karo maahan, tusaale ahaan waxay sheegtay in 100,000-kii kun oo qof in 5 qof ay u dhintaa cudurka gaaska!!!.
Intii xanuunsan allaha ka caafiyo...
http://somalidoc.com

Barkhat:
walal waad mahadsan tahay taktar
intaa ka bacdi waan ku salaamayaa

walal xaaskayga oo nuujinaysa cunug ilaa lix bilood ah ayaa waxay ka cabataa hurdo la'aan, afqalayl iyo indhaha oo iyaguna qalalan oo aan illin lahayn
hadaba walal arrintaasina gastric ma noqon kartaa?

SomaliDoc:
Calaamadahaas kaliya gaas lama oran karo, waxyaabo kale ayay noqon karaa, maadaama ay naas nuujinayso, cunto ku filan iyo cabitaan ku filan ma qaadataa? daawooyin kale oo ay qaadato miyaa jira? hurdo la'aanta ma sidii ay u dhashay baa mise waa wax mar dhow ku billawday?wax xanuun kale ay isku ogtahay ma jiraan? claamadaha kale ee gaaska wax ay leedahay miyaa jiro?

Dheerey:
Asc waan ku salaamay dr salaan kadib  su'al baan qabaa ku saabsan gastric ku dhaca caloosha  waxaan u tagay dhaqtar wuuna ii sheegay in aan qabo gaas mudo dheer buuna i hayay sidaan dareemayo .takhtar waxaan isku arkay bog xanuun oo sanadkiiba mar la iga qabanayo markaan biyo cabo ama aan soc socdo oo aan daacdo wuu iga fuqaa tankale waxaan isku arkay carabka iyo afka oo nabro cadcad kasoo baxo ama dil dilaaca iyo neefta oo soo urto,  marka ay caadada igu dhacdane mafariinsan karo, takhtar mala dhihi karaa gaas calooleed waaye .haduusa yahayne maxaan isku daweyn karaa takhtar adigoo mahadsan.

SomaliDoc:
Wax baaritaan ah oo lagugu sameeyay ma jiraan sida in dhiigga ama saxarada laga baaray bakteeriyada gaaska keento?

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version