Diseases and Conditions > Cudurrada Caruurta

Sidee u Nuujisaa Ilmahaaga?!

(1/1)

Diagnostic:
Waxyaabaha lagu garto in cunugaaga naaska uu ka dhargay

* Cunuga oo aamusa markuu naaska afka ka qaado.
* Cunuga oo hurda 3 - 4 saac markii la nuujiyo
* Cunuga oo wax isbadal ah lagu arkin saxaradiisa kalar ahaan iyo ur ahaanba
* Cunuga oo kaadidiisa is dhimin, wax isbadalne aan lagu arkin
* Cunuga oo caadi miisaankiisa u kora, markii lala barbardhigo miisaankiisii hore
Waxyaabaha lagu garto in cunugaaga naaska uusan ka dhargin

* Cunuga oo ooya markii la nuujinayo iyo markii la nuujiyaba, ama dhuuqa gacmahiisa iyo farihiisa.
* Cunuga oo naaska ku daaha ilaa 30 daqiiqo in ka badan.
* Cunuga oo hurdo la'aan ku dhacda.
* Cunuga oo saxarada ku adkaato, ama isku badasho mid urbadan oo cagaaran, xunburne leh.
* Cunuga oo kaadidiisii yaraato
* Cunuga oo Miisaankiisa is dhima (FG: cunuga waa in miisaankiisa isbadal laga dareemaa afarta bilood oo ugu horeysa, afartii maalinba mar.)
Sidee lagu xalin karaa?

* Hooyada oo cunto nafaqo leh cunto, hadii ay jirantahayne la daaweeyo.
* Hadii ay jirto mushkilad ka jirto qaabka cunuga naaska loo siiyay in la saxo
* Hadii ay caano ku filan cunuga hooyada aysan laheen in caano kale loogu siyaadiyo (Formula Feeding)
* Hooyada oo la siiyo daawada loo yaqaano "Chlopromazine", taasoo siyaadiso caanaha hooyada, walwalka iyo diiqadane yareyso.

Waxyaabaha lagu garto in cunugaaga naaska laga badiyay
Horta maxaa keeni kara in ilmaha naaska inta ay u baahanyihiin ka badan la siiyo?

* Waqtiyada kuleelaha, kaasoo ilmaha oonka haayo, hooyadu ay u fasirato inay gaajo heyso cunugeeda.
* Hooyada oo caano badan soo saarto
* Cunuga oo waxqaadashadiisa siyaado ah
In laga badiyey maxaa lagu fahmaa?

* Cunuga oo diliqiisa bato amaba ku sixdo caanaha la siiyay
* Cunuga oo mataga amaba caloosha xanuunsato
* Cunuga oo saxaro badan dhiga, taasoo qaar wixii uu qaatay oo aan shiidneen ka muuqato
* Kaadi badan iyo dhidid badan
* Miisaankiisa oo aad u siyaada.
Sidee looga hortagi karaa?

* In waqtiga u dhaxeeya nuujinta lakala dheereeyo tusaale ahaan 4 saac oo kale.
* In hadii naasaha ay ku soo haraan caano badan oo uusan u baahneen cunuga laga miiro

Waxyaabaha keeni kara in cunuga caanaha hooyada aan la siinin
Hadii mushkilo ka jirto dhinaca hooyada sida:

* Hooyada oo qalal qabto amaba waalan
* Hadii ay qabto infekshan laga cabsanayo inuu caanaha ugu gudbo ilmaha
* Hadii ay qabto cudur halis ah oo naas nuujinto uga sii dari karo sida wadnaha, iyo kilyaha oo hawsha yareeya, Sokorow aan la kontrooli karin, Kansar iyo hadii naasahaba mushkilo ay ka jiraan
Hadii ay mushkilad ka jirto dhinaca ilmaha sida:

* Cunuga oo ku dhasho cuduro caanaha uga sii daraan sida: Glactosemia, Phenylketonuria
* Cunuga oo xasaasiyad ku qaba caanaha
* Cunuga oo ku dhasho mushkilad afka uu ka qabo sida sanka uu ku furan amaba faruurta ka dilaacsan markaasoo caanaha inta loo liso tubo lagu siiyoDiagnostic

Navigation

[0] Message Index

Go to full version