Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Pregnancy cluster?

(1/2) > >>

Hamdan:
SALAAMU CALAYKUM DHAMAAN.

BACDA SALAAN WALAALAYAAL WAXAAN AAD IYO AAD AAN U AMAANAYAA CINWAANKAN SHARAFTA IYO FAAÍIDADA ISKU DARSADAY EE NAGA HAQABTIRA KOLBA SU'AALAHA AAN QABNO, MAHAD.

Dr. Hadaan su'aashayda u galo waxaan doonayaa inaad ii soo sharaxdo ''Pregnancy cluster'' waxaa uu yahay iyo sida uu u dhasho iyo waxaa uu ka kooban yahay?

SHARAXAAD  

1- Dr. xaaladani waxay soo martay xaaskayga oo dhawr bilood ka hor ayay qabsatay xaaladani laakiin waxaan u baahnaa inaad ii sharaxdo maadaama oo aan ahaaa qof ka jaahil ah laakiin markii danbe macluumaad ka helay inkastoon wali aanan fahmin si buuxda,
 
2- Dr waxaad iga soo shaki saartaa in uu wax khatar ah uu ku salayn karo NINka ama inuu ka yimid arinkani dhinaca NINka oo uu sabab u noqonkaro imaanshaha "Pregnancy cluster" Sida Asbaabaha keena.?

3- Dr. waxaan rabaa in aad sharaxaada aad iigu soo darto ama aad ii soo raaciso nasiixooyin ama waano ku saabsan ''Pregnancy cluster'' .....


Thanks & Regards.



SomaliDoc:

Molar pregnancy waxay soomaalida u taqaanaa "Uurjiif Shuuq".
Uurjiif shuuqu waa uurka ka dhasha ukun bu' lawda ah oo bacrisanta.
uurjiif shuuqa waxaa loo kala qaadaa mid dhameestiran "complete" iyo mid qeyb ah "partial".
Kan dhameestiran wuxuu ka dhashaa markii la bacrimiyo ukun bu' la'aan ah ana aan firfircooneyn.
Kan qeybta ahne waxay ka timaadaan markii laba xaw (sperm) ay bacrimiyaan hal ugxan (Ovum).
Kan dhameestiran wax uurjiif ah kuma jiraan iyo mandheerba kan kalane way dhici kartaa.

Calaamadaha lagu garto uurjiif shuuqa waxaa ka mid ah:

* lalabo iyo matag siyaado ah
* Dhiigbax xagga hoose ah
* Hormoonka hCG oo sare u kaca
* Minka oo aad u weynaada
* Dhiig kar 6-da bilood ee ugu horreysa
* Nuunuuxsi la'aan uurjiif
* Qanjirka toroodka oo firfircoon (Hyperthyroidism)
Waxaa lagu gartaa in haweentu ay uurjiif shuuq wado:
badanaa uurka wuu iska dhamaadaa markii haweentu ay soo saarto wax u eg sida miraha cinabka oo tira badan.
waxaa lagu arki karaa qalabka ultrasoundka ama cabbirka hormoonka hCG.

Haddii uurka uu soo dhamaan waayo waa in la soo xaaqaa oo laga soo saaraa waxii minka ku haray, badanaa haweenta wada uurjiifka ma fiicna in la fooliyo cabsi dhiigbax awgeed.

Waa in si joogto ah loo cabbiraa hormoonka hCG dhowr usbuuc illaa ay si caadi ah ku soo laabtaan illaa hal sano hooyadu looma ogola inay uur qaado maxaa yeelay wuxuu uurjiif shuuqa isku badali karaa kaankaro.
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Hamdan:
Dr. waad ku mahadsan tahay jawaabta. Koowaad sida wanaagsan ee aad igu soo sharaxday.!

Laakiin Dr. Wax baan ka fahmay waxna kamaan fahmin.

Waxaa ka mida :-

1- Hadii uu yahay ukun aan bacaramisneen micnaheedu waa maxay? ma ta ninkaa mise waa ta Naagta, laakiin halkay ka timid asalkeedu yaase keeni kara?

2- waa maxay kaankaro ?

3- ''Molar pregnancy'' mise keenaa CANCEL-ka ama Saradaanka ? "Allaan kamagan galnayee''

4- Miyuu soo noq noqdaa ''Molar pregnancy'' ama Uurjiiftu ? maxaase muhiim ah oo lagaga hortagaa?.

Sharaxaad Dheeraad ah.

Dr. Xaaskaygu waxaa lagu sameeyay xaaqintaas aad soo sheegtay iyada oo ah 6-8 Usbuuc, ayay Molar pregnancy jiray, markii ay xaaqnida samaysay ilaa maanta waxaa laga joogaa ilaa 4-5 bilood, waxaana loo soo qoray dawo ka hortaga uur inuu imaado si wanaagsan  ayay u qaadataa, dhawr shaybaadhna waa la soo mariyay ama dhawr moocid ayay dhakhtarka ku noq noqotay waana lala socdaa dhakhtarka, laakiin markii ugu danbaysay ee aanu tagno dhakhtarka oo ah kii hore mid ka duwan oo si aad ah u baadhay haday noqoto dhiig iyo x-ray ama sawiro, 2cesho ka hor wuxuu ku soo sheegay inay jiraan waxoogaa yar oo aad moodo dhiig ku jira Makaanka ama Riximka ''RED CELLS" 1/2   iyo Dhiig yaraaan. Taas oo aan runtii fahmi waayay wuxuu yahay Dhiigaas yar ee lagu soo sheegay, waxaanu Dr. markii aan weydiiyay igu yidhi waa wax iska caadiya ee ha badsato Dareeraha ama biyo badan wuu iska hagaagi doonaaye, Runtii maan fahmin waxoogaa macluumaadaana Dr. waan uga baahanahay inaad iga siisid warbixintan, ''It's Important For Me'' Thanks.

Dr. Hadii aanad fahmin warbixin taydan Si wanaagsan isoo weydii ama waxaanad ka fahmin isoo weydii si aan kuugu waadixiyo.

Raali Suáashayda oo aan dareemsanahay inay dheertahay laakiin baahi aan u baahanahay ayaan usoo sharxay oo aan usoo diray.
Thanks & Regards.
Hamdan Mohamed.
   

SomaliDoc:
Ukunta laga hadlaayo waa midda haweenta, waxaana soo daayo xubin la yiraahdo ugxan side oo haweenka ku jirto.

Kaankaro macnaheedu waa Kansar (?????)

Molar pregnancy wuxuu leeyahay khatar yar oo ah inuu isku badalo kansar, sidaa darteed haweenta markii lagu arko cudurkaan oo ilmaha laga soo xaaqo, waxaa lagula taliyaa in aysan uur qaadin illaa laga hubiyo in khatartaas ay ka gudubtay.

Khatartaas waxaa lagu kontoroolaa baaritaan joogto ah oo takhtarkaaga kugula talin doono kaasoo ah in lagu ogaado heerka uu maraayo hormoonka hCG ee uurka, kaasoo sida caadiga markii uurjiifka lagaa soo xaaqo la rabay inuu baaba'o.

Cudurka uurjiifshuuqa "Molar Pregnancy" wuu soo laalaabtaa laakiin maahan mid badan, wuxuuna u dhigmaa 2% kaliya inkastoo haweenka qaarkood uu ku badan yahay sida haweenka ka weyn 40 sano.

Waxaad uga hortagi kartaa in xaaladaan kugu soo laabato adigoo uuryeelan inta xaaladda khatarta ku jirtid, kana war sugtid talada takhtarkaaga.

Midda takhtarka kuu sheegay oo ah in dhiig yar lagu arkay raximka gudihiisa maahan wax dhib badan leh sida takhtarka ka dhawaajiyaya maxaayeelay haweenta markii la xaaqo oo weliba uurjiifshuuq lagu arkay in raximka caadigiisa ku laabto waqti ayuu qaataa, marka in wax aan badnayn lagu arko wax dhib ah malahan.

Hamdan:
AAD IYO AAD AYAAD U MAHADSAN TIHIDIIN DHAMAANTIIN, SI WANAAGSAN EE AAD IIGU WAADIXISEEN.

I have only one more question..... The last question about this topic, Inshaállah

1- Dr. Hadii ay jirto dawooyin dabiiciya ama dhir dabiici ah oo lagu saacido qofkan xaaladan oo kale soo maray sida "Molar Pregnancy"  oo kale cuntooyin, ii soo faaíidee,

2- Dr. malaga yaabaa sanad wax ka yar inay uur qaadi karto sida 9,10 Month oo kale?

3- Dr. Ma sii wadan kartaa dawada ay cunto oo ah ka hortaga dhalmada in ka badan 6-Month laakiin  wax dhiba ma leeyahay dawadan ka hortaga dhalmada?
 
4- Dr. Khatartan uu keeni karo "Molar Pregnancy" Sida Kansarka oo kale mudo ama wakhti in tee leeg ayaa lagu garankaraa in laga gudbay khatartiisa iyo kale?
 
Faah faahin.

Dr. waxaa jirta markii ugu danbaysay ee aan Takhtarka aan u tagnay ee baadhista lagu sameeyay ayaa takhtarkii talooyinkii uu nasoo siiyay waxaa kamid ahayd markaanu weydiinay dhiigan yar ee ku jira RIXIMKA maxaa lagu daaweenkaraa ayuu yidhi Dareere ama sida waxaa biyaha oo kale u dareera badso. markaa Dr. Adna waxaad ii soo faa'daysaa talooyin ku saabsan Dawo Dabiici ah.

Dr. '' hormoonka hCG'' , wax dhibaato ah ma ka soo gaadhi kartaa "GALMADA DABIICIGA AH, ama wax dhiba ma ku keeni kartaa ISU TAGA LAMAANAHA in uu kaco ama hoos u dhaco ''Hormoonka hCG''

Ilaahay Nooma keeno Dhamaanteen Cudurada xun-xun Inta uu hayana alle ha ka bogsiiyo.



Thanks & Regards.
Hamdan Mohamed.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version