Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Pregnancy cluster?

<< < (2/2)

Hamdan:
walaalayaal inka badan mudadii aad u qabateen oo ah 4-8 days way dhaaftay markaa walaal haday jirto wax cilad ah,,,, Raali galin dag dagayga..

Thanks & Regards.

CilmiSabca:
Walaal, waxaa fiican in aad dulqaadatid, waayo Dhakhaatiirta waxaa laga yaabaa in ay howlo fara badan hayaan, waxaa kale oo laga yaabaa in ay bukaano badan dul joogaan oo ay xaaladdaha ummaddooda Soomaaliyeed la tacaalayaan, xitaa waxaa dhici karta in ay webka howlo badan u diyaarinayaan. Marka dhiiya baraada please be patient and wait... Haddaba Walaalayaal fadlan Dhakhaatiirta yaan la degdegsiin ileyn degdeg Adduunyo laguma gaadhee. Marka fadlan walaalkeyga qiimaha lahow sidaas u faham. Ogow aniguba mararka qaarkood ilaa muddo Bil ah waxaan sugi jiray jawaabta su'aal aan dhakhtarka weydiistay, inkasta oo aan sugi waayi jiray laakiin waan ku khasbanaa in aan iska sugo oo aan sabro sababtoo anagaa dan leh oo si free ah dhibaatooyinka ina haysta wax na looga qaban nahayaa, sidaas daraadeed waa in aan si hufan u tixgalino dadka (sida Dhakhtarada, Culumada IWM kd.) kuwaas oo danahayaga sida samafalka ah ugu howlan, waliba waxaa ina la gudboon innagoo aan eegin wakhtiga ay tahay in danteena la fuliyo <<Haddii Alle Idmo>>. Jawaabta waan heli doonaa. Ugu dambeyntii jawaabteydaan walaal sidaas iila faham. Waadna Mahadsan tahay. Walaal waa inaan maanka ku haynaa in uu samirku yahay furaha jawaabta aan sugi kari wayno.
(Samirka wuu Qadhaadh yahay, wuu-se Midho Macaan yahay!).

SomaliDoc:
Haddii aan ka jwaabo su'aalaha kuu soo heray:

Daawo dabiici ah oo loogu talagalay xanuunkaan uurjiif-shuuqa waxaa ka mid ah isticmaalidda malabka si minka u sifeysmo, haddii ay wax ku hareenna ugu soo baxaan bannaanka.

Sanad ka yar way ku qaadi kartaa uur, laakin kugula talin lahayn maadaama mar dhow xanuunkaas laga sheekay waxaana habboon in meel lagu hubsado oo soo naqashadiisu ay fogtahay.

Sii wadista daawada ay cunto waxaa kala tashataa takhtarka u qoray ,go'aan gaaristane waxay ku xirantahay baairtannada joogtada ah ee lagu sameeyo wixii isbadal ah oo laga dareemo sidii horay aan kuugu sheegeyba.
Daawooyinka uurka looga hortagane wax dhib ah malahan.

Ugu yaraan waa in laba sano lagu wadaa baaritaan, lagana ilaaliyaa uur, si looga hubsado in hormoonkii HCG uu dabiici noqday, cabsidii laga qabay in uu kansar isku badalane ay meesha ka baxdo.

Isu tagga saameyn kuma lahan kicista iyo dajinta hormoonka HCG labadaba

Caafimaad buuxa ayaan idiin rajaynayaa, waxaadna ogaataa su'aalaha kugu taagan dhamaantood jawaabtooda waxaa sheegi karo takhtarkaaga maadaama uu xaaladdaada la socdo baaritaan joogto ahne uu wado

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version