Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Talaalka TB da ama qaaxada?

(1/1)

Cabdulahi:
asc waan idinsalaamay dhakhtarada soomaliyeed ee qiimaha iyo qaayaha leh salaan kadib  waxan maray tijaabada  gacanta ee bt da  ee lagu ogaado in jirkaaga uu kujiro jermiska qaaxada marka walal waxuu noqdey 17 cabirkiisa       marka   tubertest irbad ah ee ka hortaga ma isku duri karaa   qof qaba hadii irbada ka hortaga isku duro wax dhib ah ma ukeenaysaa  ama ka shakisan inuu wax uun jeermis ah jirkisa kujiro waad mahadsantihiin walal  baarakalaahu fiikum

SomaliDoc:
Wax cirbad ka hortag TB la yiraahdo ma jro, Tb-da waxaa looga hortagaa kaliya tallaal.

Haddii aad Tb iskaga shakisantahay la xiriir takhtar si candhuufta lagaaga baaro ama raajo laguugu diro, mideeda kale baaritaanka maqaarka ee Tb-da maahan mid la isku hallayn karo.

Marmar been ayuu sheegaa waana lagu ogyahay sidaas.

Cabdulahi:
ASC walaal aad ayad umahadsantihin su'aashada waxeytahay talaalka wax dhib ah maleeyahya hadii aad qabto tb ood istalaasho  ama adiga oo iska shakisan  talaaka ayaan heystaa marka wax dhib ah uu leeyahya majiraan  aad ayaad u mahadsantihin  ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo wabilaahi towfiiq

SomaliDoc:
Badanaa qofka qabo cudurka tb-da waa la daaweeyaa oo tallaal way soo dhaaftay xaaladdiisa.

Caruurta ayaa badanaa la siiyaa tallaalka qaaxada, dadka waaweyn lama siiyo, hadii looga shakiyo cudurkane waa laga hubiyaa, hadduu qabane waa laga daaweeyaa oo markaas tallaal wax tari maayo.

Cabdulahi:
asc drs zazaakumulaahu qeeeran  ilahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo   ilaahy qeer ha idinku miisaaamo    liibaana aduun iyo aaqiro walalayaal asc

Navigation

[0] Message Index

Go to full version