Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay?
Zameeha:
--- Quote from: Cabdulahi on September 26, 2011, 07:59:56 AM ---salaan sare sumeeha walaal hadii aan ka hor dhaco drs ka dr aad u tagtay hadii baadhitaan uu kusameeyey oo wax dhib ah laguu sheegin man sha alah waaye wax yaabaha aad sheegan hayso aniga waxey ilatahay inaad ubaahan tahay cabsida alle inad waqti siiso wal welka iyo ilowsha isku buuqa waxaa keeena maskaxda oo waxii loo abuuray kaseexata amaba aan qaban waayo waxaa laguu siiyey adiga laguu abuuray waa adoonimo iyo inaad ilaahy weynayso waxaad badisaa laaxoola walaaquta ilaa bilaahi caliyul cadiim iyo astaqfurulaahi siiba habeenkii inta aadan seexan ka hor ilaa 20-30 mnts inta udhaxeysa subaxiina salaada subax ka hor isbadal weyn ayaad dareemi doontaa iyo dagansho aadan garan hayn meel ay kaaga timid mida kale walal hadii aad gabar tahay guurso waa daawada dagenaanshaha guurku asc iga raali noqdo drs waan idin ka hordhacay wabilaahi towfiiiq
--- End quote ---
waad mahasan tahay walaal aad iyo aad waana ku dhaqmi doonaa wanada aad isoo jeedisay ee ah alla kacabsiga markale waad mahadsantahay walalo aad iyo aad
Zameeha:
--- Quote from: SomaliDoc on September 27, 2011, 10:18:37 PM ---Halkaan ka akhriso xanuunka aad ka sheeganayso oo ah: Isku-buuqa Maskaxda "Mental Distress": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1704.0.html
--- End quote ---
DR waan akhristay waana fahmay wad ku mahadsan tahay
Zameeha:
--- Quote from: CilmiSabce on September 29, 2011, 07:07:25 PM ---Ilowshaha dhow waxyaabo badan baa keeni kara, sida cudurada Maskaxda ku dhaca ama jug xooggan (jugta wax ka mid noqon kara: Shey culus oo madaxa ku habsada ama ku dhaca, shil IWM). Laakiinse, haddii uu san ku haynin cudur ka mid ah cudurada ku dhaca Maskaxda, ama aanay jirin jug madaxa gaadhay, waxaa dhici karta in uu qofku dareemayo cadaadis nafsi ah, waxaa kale oo la arkaa in marka uu qofku wax uu baahan yahay helistooda ama gaadhistooda uu galo mowjado jaha wareer badan, sida in uu kala garan waayo goor ay tahay iyo afartii jiho halka ay kala jiraan. Waxaana ugu caansan:
# Jaceylka;- Tani waxay dhacdaa markuu dhinac kale ee la jecel yahay la jirin qofka jecel ama lala wadaaga hayo, arrintaan waxay aalaa keentaa in ay maskaxdu si daran ugu mashquusho xalinta mushkiladaas ama ay ku murugsanaato u caal waaga heysta.
# Buufis (wax ay adag tahay in la gaadho ama la helo). Tani waxay u badan tahay dhalinta Soomaaliya jooga ee raba in ay dalalka Galbeedka tagaan iyagoo aan Pass word haysan! Waxaana ay keentaa in ay maskaxdu dam tidhaahdo dhaguhuna ay kuu waashaan sssss. Sidoo kale arrintaan waxay haysataa dadka tiigsada inay salaaxaan meel madaxa ka sareysa.
Haddaba, su'aasha waxa weeyaan sidee baa loo daaweeyn karaa ilowshaha?.
Dhakhaatiirta iyo dadka la taliya bukaanada waxay ku dadaalaan ugu horey inay ogaadaan xaalada qofka ka dibna waxay siiyaan Daawooyin kala duwan iyo talooyin gaar ah.
Waxa mar mar dhacda in uu qofku walbahaar ka qaado cudur aan maskaxda aheyn (sida Aids, Cancer, TB iyo Toogasho lagu xukumay qof kale oo u dhaw ama shil uu arkay IWM).
Daawooyinka waxa ka mid ah, in hadday maskaxdu qabto cudur ama iin Dhakhtar uu daawo u qoro. In hadduu qofku uu Jaceyl hayo uu helo Jaceykiisa. & In qofka buufiska qabaa uu gaadho hamigaas. Sidoo kale waxa laysku daaweyn karaa labada shey macaanka badan waa Qur'aan akhriska & muudmuusiga Malabka.
Waxaa la sheegaa oo kale in hilibka & subagga Gorayada (ostrich) lagu daweeyo Ilowshaha. Laakiin aniga tan maqal maahee si kale uma aqaan.
// Fiiro Gaadh ah: kala tasho (counselling) cida ay khuseyso ee laga helo halka aad joogtid.
/\ Ha isticmaalin daawo uu dhakhtar kuu qorin, xitaa hadaad aaminsan tahay.
REGARDS.
--- End quote ---
walaahi waxaad moodaa inaad a baartay halkii layga haayey waayo masakxadyda waxay la masqhuulsan tahay baan filayaa waa waxa rabo inaa helo war warse iga hayo inaa heli doono iyo in kale
maan qadaan wax daawo insha'allah alle ka cabsigaan badin doonaa idina ii soo duceeya in alle ila garan galo waad iska garanaysaan qof kolay dhalin yaro ah waa iska dhib badana yahay iyo in alle isolan siiyo waxaan raba waad mahadsantahay walaalo
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version